“Xasanow Hadii Aad Muruq-Siyaasadeed Leedahay, Maxay Kuu Ilaalinayaan Burundi iyo Uganda”

0
2069

Burco (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dalka Mareykanka, kaas oo uu meel kaga dhacay Qaranimada Somaliland.

“Horta gooni isu taagga Somaliland waxa uu ahaa go’aan ay soo gooyeen oo isku raaceen shacabka Somaliland, hadba madaxdii joogtana wakiil ka ahayd, taana ma aha mid Xasan Sheekh iyo Xamar nin jooga wax laga weydiinayo.”.

“32 sano dal madax bannan baanu ahayn, hadalkaa aad tidhi cadaawadda unbuu sii kordhinayaa, caqli xumana wey tahay marka waxaan ku leeyahay laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah ma ahaanaa waa haddii ay adiga ku deeqeyso.”

Madaxweyne Biixi oo sidoo kale kaa jawaabayay hadalka Xasan sheikh ee ahaa: “ Waxaan oggolahay in wixii hormarin ah aan siino, ma dooneyno inaan culeys ku saarno muruqayaga siyaasadeed,”  ayaa yidhi: Haddii aad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay, maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ah ee Afrika soo uruurisay.”

“Waxaan la yaabanahay inaad faanto oo aad tidhaahdo Somaliland muruqeyga uma isticmaalayo adigoo Burundi iyo Uganda ku ilaaliyaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here