Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Dareenada Ku Xeeran

0
1092

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay la dhammaystiray, kaddib markii gollaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ay hore u diideen, ayaa maanta qaaday tallaabadii u horaysay.

Fadhigii u horeeyay ee xubnaha guddida Doorashooyinka ayaa lagu doortay Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xubin loo doortay inuu noqdo Afhayeenka Guddida.

Sida laga soo xigtay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta Guddoomiye u doortay Muuse Xassan Yuusuf, iyadoo xubnaha Guddidu ay Guddoomiye ku xigeen u doorteen Axmed Cisman Xassan, halka Cabdicasiis Xirsi Warsame loo doortay inuu noqdo Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Labada xubnood ee loo doortay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa ka mid ahaa saddexdii xubnood ee Madaxweynaha dhankiisa ka yimi, kuwaas oo gollaha Wakiilladu markii hore diideen ansixintooda, balse ay aqbaleen kaddib markii Madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyay, iyadoo markii labaad ee la horgeeyay saddexda xubnood ee qabyada ka ahaa xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddida cusub ee doorashooyinka September 6, 2022, cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ah Xubinta Afhayeenka ee Xisbiga Mucaardka ee WADDANI soo gudbiyay, ayaa loo doortay ayaa isagu ka mid ahaa Afar xubnood oo ka mid ahaa Toddobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka oo si aqblabiyad ah golluhu markiiba u ansxiyay Jun 20th, 2022.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ay horyaaliin doorashooyinka aan weli laysku waafiqin ee Madaxtooyadda iyo Guurtida, iyadoo hore loo hadal hayay in 13 November oo ku beegan muddada dhamaadka xilka Madaxweynaha ee shanta sannadood la filayay in ay qabsoomaan, balse khilaaf siyaasadeed oo soo jiitamay ayaa weli ku hareeraysan, taas oo meesha ka saaray in doorashada Madaxtooyaddu ku qabsoonto xilligaa, isla markaana xilliga gabaabsiga ah aannay weli muuqan saaxad tartan doorasho.

Mucaaradka oo isu bahaystay xukuumadda, ayaa marar baddan ku hanjabay in aannay aqbalayn in dib udhac ku yimaado doorashada Madaxtooyadda, iyadoo khilaafka ugu weyn ee xukuumadda iyo labada Xisbi ee Mucaaardka WADDANI iyo UCID isku khilaafsan yihiin ay xuddun u tahay doorashada Madaxtooyadda iyo Tartanka Ururada iyo axsaabta midka soo horaynay, wallow Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu ku adkaysanayaan in tartanka Ururada Siyaasadu kasoo horaynayo doorashada Madaxtooyadda, balse kala fogaanshaha iyo khilaafka labada dhinac oo ay marar kala duwan isku hawleen ergooyin xal u raadinayay ayaa noqday mid an lagu guulaysan, kaas oo u muuqda mid jaah wareer ku riday xasiloonida siyaasada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here