Xisbiga UCID oo Ka Digay Aqbalaada Guddiga Diiwaangelinta

0
995

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa Guddiga diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka u gudbiyay Dukumeentiyo ay hore uga dalbadeen oo la xidhiidha Wakhtiga dib u cusboonaysiinta shahaadada Ururka iyo wixii sharciyad ah ee looga baahnaa.

Saraakiil ka socday Xisbiga UCID, oo la kulmay Guddiga Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka, ayaa ku wareejiyay waxyaabihii looga baahnaa.

Masuuliyiinta UCID, ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen kaddib markii guddigu u soo dirtay qoraal ay kaga dalbanayaan in maadaama sharciyada Axsaabtu dhacayso u soo gudbiyaan waxyaabaha xeerku ku waajibay.

“Waxaanu kasoo jawaabnay warqad 30 August ay noo soo gudbiyeen Guddigu, taas oo sida xeerka Ururada iyo Axsaabta ee xeer-14, tilmaamayo, in aan u soo gudbino dukumeentiyada tilmaamaya Xeerka Ururka, hoggaankiisa, gollaha dhexe iyo xarunta guud ee Xisbiga, waxaanuna u keenay guddiga.” Ayuu yidhi, Yuusuf Kayse oo ka mid ah saraakiisha xisbiga UCID.

Wuxuu sheegay in ay tahay waajib in ay sidaa yeelaan, maadaama xeerku tilmaamyo, “ taas macneheedu maaha inuu xisbiga UCID, ka tanaasulay doorashada Madaxtooyadda ee 13 November, 2022, waana arrin sharci Madaxweynuhuna ma jebin karo, mana jirto cid kale oo jebin kartaa.” Ayuu sii raaciyay.

Xoghayaha, ayaa sidoo kale sheegay in doorashada sharciga ah ee Somaliland maanta la sugayaa ay tahay doorashada Madaxtooyadda.

Hasse ahaatee, Madaxweyne Biixi, ayaa maalmihii la soo dhaafay, isagoo safar ku maraya gobollada dalka, wuxuu ka dhawaajiyay in xisbiyada hadda jira haddii ay guddiga diiwaangelinta u gudbin waayaan sharciyadooda ay marayaan wadadii xisbigii weynaa ee UDUB sannado baddan dalka ka talinayay, balse ka hadhay tartankii Ururada iyo axsaabta ee 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here