Xasan Sheekh oo Somaliland Ugu Baaqay Inay Xiisadda-Laascaanood Ku Dhamayso Xal-nabadeed

0
2184

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Somaliland inay xal nabadeed ku dhameyso xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay inay ka damqanayaan in dad Soomaaliyeed oo calankii huwan ay dhibaatoonayaan, waa sida uu hadalka u dhigee.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Somaliland looga baahan yahay inay hab ka duwan habkii hore u wajahdo xaaladda magaalada Laascaanood iyo nabad galyadeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu digayo in collaadda magaalada Laascaanood la sii huriyo, islamarkaana wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in dowladda Somaliland hab ciidan u adeegsato kicitaanka shacabku ay sameeyeen.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka magaalada Laascaanood ugu baaqay inay isdajiyaan una diyaar garoobaan xal nabadeed iyo wadahadal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here