Wefdi Wasiiro Ah oo Gaadhay Magaalada Laascaanood

0
2396

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wefdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha Somaliland, waxaa ka mid ah Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) iyo Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi.

Ujeedka wefdiga Wasiirada ah ee magaalada Laascaanood, ayaa la xidhiidha sidii loo soo afjari lahaa xiisadda magaalada ka taagan iyo sidii xalnabadeed loogu soo dabaali lahaa arrintaasi.

Sidoo kale, waxaa hore u sii joogay magaalada Laascaanood xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland oo iyaguna ku hawlan soo afjarida xiisadda magaalada.

Si kastaba, waxaa degan xaaladda guud ee magalada Laascaanood oo ay maalmihii la soo dhaafay ka taagnaayeen xiisaddo la xidhiidha dillka magaalada ku soo noqnoqday, iyadoona aanay hada magaalada wax dhibaato ahi Β ka jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here