Iran oo ku eedeysay Sacuudiga inay kala qeybsanaan ka abuurayaan gobolka si ay ugu faa’iideeyaan Israa’il

0
888
Iranian Foreign Ministry spokesman Abbas Mousavi speaks in a weekly press conference in Tehran on May 28, 2019 (Photo by AFP)

TEHRAN — Dowladda Iran ayaa ku eedeysay Sacuudiga inay kala qeybsanaan ka abuurayaan dalalka Islaamka iyo kuwa gobolka  si ay ugu faa’iideeyaan Israa’il ,xilli boqortooyada Sacuudiga  ay marti-gelisay kulan madaxeed ay leeyihiin hoggaamiyayaasha Carabta iyo Khaliijka, oo lagu raadinayo taageero ka dhan ah xukuumadda Tehran.

“Waxaan aragnaa isku dayada Sacuudi Carabiya ay isku keeneyso dalalka deriska iyo kuwa Carbeed ee ka dhanka ah Iran, taasi oo qeyb ka ah isku dayada aan miro-dhalka ahayn ee maamulka Mareykanka iyo kan Yahuudda.” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Seyed Abbas Mousavi.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Seyed Abbas Mousavi ayaa niyad-jab ka muujiyey in Riyadh ay weli waddo ‘eedyemo aan sal lahayn’ oo ka dhan ah Iran, ayada oo ka faa’iideysanaysa marti-gelinta shirka Islaamka.

Hadalka ka soo baxay Iran ayaa ku soo aadday iyadoo boqorka Sacuudiga, Salman Bin Cabdulcaziz uu maanta sii xoojiyey weerarka ka dhanka ah Tehran isaga oo dalalka Carabta ugu baaqay inay ka hor tagaan wax uu ugu yeeray ficillada ‘dambiyeed’ ee Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here