Xarun Caafimaad Oo Laga Hirgeliyay Deegaanka Sarmaanyo Oo Xadhiga Laga Jaray

0
1106

Sarmaanyo (HP): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil iyo guddoomiyaha gobolka Xaysimo ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Xaysimo.

Xaruntan caafimaad ee daryeelka hooyadda iyo dhalaanka ayaa noqonaysa tii u horaysay oo laga hirgeliyo deegaanka Sarmaanyo oo ka tirsan gobolka Xaysimo.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista xaruntan caafimaad waxaa ka soo qayb galay badhasabka gobolka Xaysimo C/rashiid Maxamuud Xiir,Β  isu-duwaha wasaaradda caafimaad ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil.

Sidoo kale waxaa madasha joogay xubno ka tirsan bahda caafimaadka ee goblka Sool iyo deegaanka laga hirgeliyay xaruntani ee Β Sarmaanyo Β iyo sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka Sarmaanyo iyo dadweyne kale.

 

Halkan ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here