Dalal Badan oo Xiisaynaya Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya

0
2369

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay ka hadashay dalal badan oo xiisaynaya wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo in mudo ahba hakad ku jiray.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in ay jiraan wadamo badan oo danaynaya wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoona dalalka danaynayaa wadahadalada labada dhinac ay yihiin Itoobiya iyo Markeyanka iyo wadamo kale.

“Dabcan wey jiraan Wadamo doonaya inaynu wada hadalno Soomaaliya, oo aynu iskugu nimaadno miiska wadahadalada, laakiin Madaxweynaheena Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa xuskii munaasibada 18 may aritan iyo arimo kaleba kaga hadlay, run ahaana Madaxweynuhu xaqiiqada ayuu taabtay, waxaa xaqiiqo ah in Maamulka Muqdisho oo jahaweerar siyaasadeed ku jira inay iska indho tirayaan xaqiiqooyinka jira, waxaana xaqiiqo ah inay Somaliland tahay dal madax banaan, oo ku yaala Geeska Afrika, waliba xoriyada ka hor qaatay Soomaaliya, waxaa ka taliya Madaxweyne la doortay, waxaynu nahay Dal, Dawlad iyo Dad isku tashaday, mar walba rabitaankeena ayeynu ku soconaynaa, cid walbana inaynu qancino ayeynu diyaar u nahay, ee Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Mareykankaba xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya, ee waxaanu leenahay sidaas uu Madaxweynahayagu sheegay ayaa dhab ah oo Soomaaliya waanu kala tagnay, waxaanu kala hadli karnaa oo qudha in aanu sidaas hadda kala nahay aanu kala ahaano, oo waliba cid kastana in aanu qaranimadayada ku qancino ayaanu diyaar u nahay, ee ha naloo tixgeliyo mar kasta jiritaankayaga dawladnimo, dalnimo iyo dadnimo”.ayuu yidhi Wasiir Faaratoon.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadley xidhiidhka ay wada leeyihiin Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo arinta Ictiraaf raadinta.

“Beesha Caalamka, xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya,Dawlad ahaana waxaanu diyaar u nahay in aanu ka midho dhalino sidii aanu ku heli lahayn Ictiraaf Caalamiya, dhabaheediina waanu haynaa, Caalamkuna in Ictiraafka inagaga maqan inay ina siiyaan weeye,, madaama aynu nahay dal jira, Cudurkan Coronviruska ee dunidii godoonku ku ridayna, waxaan ALLE ka baryayaa inuu inaga dulqaado, dadkuna ha is ilaaliyaan”.ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

Dhinaca kale,Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay munaasibada 29 guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland qaran buuxa isu taagtay ee 18-ka May.

“Hambalyo ayaan u dirayaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kaga nool yihiin daafaha dunida, waxaana ku hambalyeynayaa sannad guuradeena 29aad ee ka soo wareegtay markii aynu qarankeena dhisanay, intaas aynu jirnayna waxaynu gaadhnay horumar dhinac kasta leh, waxaana sannadkan sannadkiisa inoogu ducaynayaa horumar, aqoonsi iyo inaynu ka midho dhalino qadiyadeena ictiraaf raadinta, taas oo insha allaah aynu heli doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here