Xaalad Cakiran oo Ka Taagan Xaafadda Liinka Booliska Ee Badhtamaha Hargeysa

0
1227

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xaalad adag oo cakiran, ayaa caawa ilaa xalay waxaa ay ka taagnayd xaafadda Liinka Booliska ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Xaaladan cakiran, ayaa u dhaxaysa dadweynaha xaafadaasi degan oo ay xukuumadda Somaliland doonayso in ay si khasab ah kaga rarto, iyadoo xaafadaasi laga iibiyay ganacsato.

Kadib markii ganacsatadda waaweyn ee dalka qaarkood ay iibsadeen xaafadaasi, isla markaana bulshadda degani ay ka biyo diideen qorshe loo soo bandhigay oo ah in qoys kastaba la siiyo lacag dhan toban kun oo dollar.

Waxaanay dadweynaha xaafadaasi oo u badan qoysas danyar ah, iyo xaasaska iyo caruurta ciidanka boolisku ay xalay ilaa caawa isku abaabulayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamo kale oo ay xukuumadu soo dirtay oo doonaya in ay qoysaskaasi xoog ku raraan.

Wararka, ayaa sheegaya in dadweynaha xaafadda Liinka boolisku ay iyaguna isa soo hubeeyeen, isla markaana ay doonayaan in ay iska difaacaan askartan ay xukuumadu soo dirtay.

Waxaana laga cabsi qabaa in caawa saacadaha soo socda uu halkaa ka bilaabmo isku hor imaad dhex mara dadweynaha xaafadaasi, iyo ciidankan ay xukuumadu dul dhigtay.

Dadka degan xaafadaasi oo isa soo abaabulay, ayaa la sheegay in ay Qoryahoodda soo qaateen, si ay isaga difaacaan ciidankan ay xukuumadu soo dul dhigtay oo doonaya in so xoog ah caawa saqda dhexe ku raraan.

Geesta kale, wararka aanu arrintan ka helnah ayaa xaqiijiyay in xaafadaa Liinka Booliska oo dhinaca woqooyi kaga beegan saldhiga dhexe ee booliska Hargaysa, in ay xukuumadda Muuse Biixi, ka iibisay ganacsato dhawr ah oo doonaya in ay halkaa dhismeyaal waaweyn ka dhistaan.

Xubnaha ganacsatadda ah ee la sheegay in xaafadda Liinka booliska laga xaraashay waxaa ka mid ah ganacsade Jaamac Oomaar, Dahabshiil, Ina Aw Siciid, Geelle Arab, iyo ganacsato kale.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in xukuumadda madaxweyne Biixi, ay xubnahan ganacsatadda ah ka qaadatay lacag aad u fara badan oo malaayiin dollar ah, iyadoona taa bedelkeedda dhulkii ay dadka shacabku deganaayeen oo dhul dawladeed ah sifo sharciga baal marsan u iibsatay.

Taasoo loo arko in xukuumadu ay hadda u xuub siibatay dhaqaale urursi, iyo in ay boobto hantidii qaranka, maadaama oo ay yaqiinsatay in aanay shacabku mar danbe dooranaynin Muuse Biixi.

Dhinaca kale, xukuumadda madaxweyne Biixi, ayaa u muuqata in ay si xawli ah u xaraashayso dhulkii danta guud ahaa, iyo meelihii ay qoysaska danyarta ah deganaayeen.

Waxaana jirtay in tan iyo bilawgii xil qabashadda xukuumadda Muuse Biixi, ay si aad ah u soo shaac baxeen qaylo-dhaanta ka soo yeedhaysa bulshadda ee ay dhulkoodda sida xooga ah kaga qaadanayso.

Hargeisa Press Desk

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here