Faysal Cali Waraabe: “I Arkaay I Qariyaay Ayaa Ka Dambeyn Doonta”

0
1355

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ka falceliyay safarka uu magaalada Muqdisho ku tagay Hoggaamiyaha kooxda SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu safarka Hoggaamiyaha kooxda SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ee Muqdisho ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin.

Waxaa uu sheegay in safarka Firdhiye, aanu Laascaanood Somaliland ka goyn doonin, isla markaana uu yahay uun nin Soomaaliyeed oo dhul Soomaaliyeed tagay.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in magaalada Laascaanood sida ugu dhaqsiyaha badan ay Somaliland gacanteeda ugu soo  celinayso.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in anay suuragal ahayn in Laascaanood ay Somaliland ka maqnaato, isla markaana waxaa uu u digay madaxda Puntland ee safarada ku yimaada magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here