Weftigii Madaxweynaha Somaliland oo Si Heer-Sare Ah Loogu Soo dhaweeyey Itoobiya

0
1612

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay dalka Itoobiya oo ay maanta uga bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali.

Madaxweynaha Biixi iyo weftigiisa, ayaa waxaa madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Demeke Mekonnen, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Itoobiya.

Soo dhawaynta Madaxweynaha oo Habmaamuuskeedu ahaa mid aad u sareeya, ayaa qadar nasasho ah ka dib loo galbiyey qasriga madaxtooyada oo madaxweynaha la dejiyey looguna sameeyey hadhimo sharafeed.

Waxaana Madaxweynaha safarka ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane), Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Muuse Ibraahim Selef.

Waxaa sidoo kale weftiga Madaxweynaha dalka Itoobiya kaga sii horeeyay wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya, Amb Cumar Cabdilaahi Badde iyo Safiirku xigeenkiisa Amb. Barkhad Maxamed Kaariye.

May be an image of 14 people and crowd

May be an image of 10 people and text

May be an image of 4 people and text

May be an image of 4 people, rearview mirror, car, street, road and text

May be an image of 2 people, the Oval Office and text

May be an image of 7 people, suit, wedding and dais

May be an image of 4 people and dais

May be an image of 9 people

May be an image of 5 people

May be an image of 5 people

May be pop art of 8 people, segway and suit

May be an image of 4 people, suit, wedding and dais

May be an image of 6 people, dais and text

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here