Hambalyada Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Ee Sanadka Cusub 2024

0
513

Hargeysa (Hargeisa Press)– Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha qaranka, ayaa waxaa uu curashada sannadka cusub ee miilaadiga 2024-ka oo ku beegan berri oo Isniin ah taariikhduna tahay 01/01/2024-ka uu hambalyo u diray dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada caalamka.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu mar labaad munaasabada sannadka cusub oo ka mid ah munaasabadaha fasaxa qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Sidoo kale, waxaa uu ku simaha Madaxweynuhu shacbiga Somaliland Alle uga baryayaa inay sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u rajaynayaa Somaliland iyo Caalamkaba inuu sannadkan 2024-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.

Ugu danbayn wuxuu ku simaha madaxweynuhu shacbiga Somaliland, ku boggaadinayaa dedaalkooda waddaninimo iyo doorka muuqda ee ay ka qaataan nabadgelyada, wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax-wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda, kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here