Mareykanka oo Duqeeyay Doomo Ay Wateen Xuutiyiinta Yemen

0
466

Xuddeyda (Hargeisa Press)- Ugu yaraan toban ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa Axada maanta ah lagu dilay kuwa kalana waa lagu dhaawacay kadib markii ciidamada badda Mareykanka ay doomoha kooxda duqeyn kula beegsadeen Badda Cas, sidaasina waxaa wakaaladda wararka AFP ay ka soo xigatay laba ila wareed oo ku sugan magaalada dekedda leh ee Xuddeyda ee dalka Yemen.

Ciidamada Mareykanka, ayaa goor sii horreysay sheegay in ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanku burburiyeen dhowr doomaha yaryar ah oo ay ku howlgalayeen kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

Diyaarado Helicoptero ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka, ayaa quusiyay saddex doomood oo ay wateen fallaagada Xuutiyiinta kuwaasi oo weeraray markab xamuul ah oo marayay Badda Cas, sida ay Axada maanta ah shegeen Milateriga Mareykanka.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ka dib markii ay Xuutiyiintu rasaas ku fureen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka, ay ciidamada Mareykanku “ka jawaabeen iyagoo is difaacaya” waxayna quusiyeen saddex ka mid ah afar doomood oo yar yar oo markabkooda u soo jirsaday ilaa 20 mitir, waxayna dileen dadkii doomaha saarnaa.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa intaa ku daray in doonta afaraad ay aagga ka baxsatay.

Taliska CENTCOM, ayaa sheegay in ciidamada baddu ay ka jawaabayeen codsi kaga yimid markabka Maersk Hangzhou, oo sittay calanka Singapore lagana leeyahay Denmark kaasi oo soo wariyay in muddo 24 saacadood gudahood ah uu laba weerar kula kulmay Badda Cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here