Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Kormeeray Wadada Djibouti Iyo Biriishka Camuud Oo La Dhasiyo+ SAWIRRO

0
879

Boorama, (HargeisaPress) –Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa waxa ay kormeer ku tageen Biriishka isku xidhaya Jaamacadda Camuud iyo magaalada Boorama oo ay wado xukuumaddu iyo wadada isku xidha Boorama iyo Jabuuti oo ay dhismaheeda gacanta ku hayso hay’adda ASARDA.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka C/laahi Abokor Cismaan oo khudbad kooban ka jeediyey dhismaha Biriishka Camuud ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in umadda Somaliland guud ahaan u sheego laba shay oo umadda wada gaadha waa caddaalada iyo horumarka maanta biriishka qof kastaa wuu ka faa’iidaysanayaa cadaaladuna guri kasta waa ay gashaa”.

Maareeyaha hay’adda Wadooyinka Somaliland Mr.Cismaan Aw Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Hore wasiirka ayaa nagu soo dabagalayey oo nagu ogaa shaqadan iyo fulinteeda inuu isaguna yimaado oo iyada oo meel fiican maraysa nasiib wanaag la kulmo waa ALLE mahadii”

Injineerka dhismaha biriishka oo warbixin ka siiyey wasiirka iyo weftigiisa ayaa waxa uu yidhi “Biriishkani waxa weeyaan biriishkii madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland uu ku deeqay qalinjabintii dhawayto ee uu ugu deeqay gobolka waa mashruuc weyn”

Dhinaca kale Wasiirka iyo weftigiisa waxa ay kormeer ku tageen wadada isku xidha Boorame iyo Jabuuti oo ay hay’adda horumarinta gobolada Awdal iyo Salal ee ASARDA gacanta ku hayso.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii maanta waa I farxad inaynu halkan isugu nimaadno oo aynu joogno isla markaana aynu kormeer ku samaynayno wadadii isku xidhaysay gobolada Awdal, Salal iyo Jabuuti qarankuna siyaasada uu la yimid waxa weeyaan in aynu kolba meel guulno oo aynu ka lib keeno, haddii kale tacabkeenu waxa uu noqonayaa inaynu shanta sanadoodba ku dhamaystirano inaga oo aan hal meel dhamaystirin siyaasadda imika ee wasaaradda iyo hay’addu waxa weeyaan in kolba wado laga shaqeeyo wadadaasina loo qiimeeyo qiimaha ay dalka ugu fadhido imika waa aynu isla ognahay wadada Burco ilaa Ceerigaabo waa wado isku xidhaysa laba gobol oo ah gobolka Togdheer iyo Gobolka Sanaag, waxa aanu u aragnay in wadadini noqon doonto wadad labaad ee si qaran looga shaqayn doono”.

 

Maareeyaha hay’adda wadooyinka Mudane Cismaan Aw Cabdi oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uuu yidhi “Waa noo farxad inaanu maanta wadadan soo kormeerno inta badan anaa iman jiray halkan, maanta se wasiirka ayaa jooga oo wax badan ayaa la iska waraysan doonaa Insha Allah, waxa aan ku faraxsanahay isku mid ayeynu nahay oo inuu wasiirku u soo jeedo idinka ayaaba tilmaamay, waxa aan xusayaa sida ay noola shaqeeyeen wax weyna waa ay ka qabteen”.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa aynu maanta taaganahay wadadii Boorama uga bixi jirtay Jabuuti oo mudadii aan joogay wadadan waanu wadnay, gaadiidka lacag yar oo laga qaado iyo qalabka ayaa caqabado naga qabsadeen, madaxweynuhuna markii uu  halkan yimid waa uu balan qaaday inuu soo rari doono qalabka wadada Ceerigaabo lagaga shaqeeyo”.

 

Maayarka magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Sharaf ayey noo tahay maanta wasiirkii oo kormeeraya oo u kuur galaya hay’adda loo xilsaaray wadadan oo waajib ay tahay in laguu kaantaroolo runtii hadaan shaqada la isku daba joogin waxba socon maaayaan, idinkuna baahidiina inaad sheegataan oo wasiirkii maanta wuu nala joogaa, wasiiradii hore qaarbaa la xaman jiray oo la odhan jiray horumar bay hogaaminayaan wasiirada imikana qaarbaa sidaa la yidhaahdaa Cabdilaahi Abokor waa ka mid  waan kaa rajaynayaa insha allah waxa lagaa filayo gobolku inuu kaa helo”.

 

Maareeyaha  hay’adda horumarinta jidadka ee Gobolada Awdal iyo Salal ee ASARDA Mudane Yaasiin Qalinle oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Farxad bay noo tahay inaad nagu kormeertaan hawsha aanu hayno oo bananaynta wadada ayaa wakhti nagu qaadatay oo wadadii hore ayaan ka leexanay markaa Cagafta ayaa marna kayn jaraysay oo banaynaysay marna ciid goynaysay, markaa intaasi waa inta yar ee saluuga keenaysay maanta wax naga qabyo ah ma jiro qalabkayagu intii aanu haysanay waa ay noo wada shaqaynayaan badeecada  u weyn ee  hadii wefi dibad u baxo iyo hadduu hawl kale soo kordhiyo la weydiiyaa waa ictiraafka saw maaha, markaa dadka reer Awdalna waxa ay yahuun u qabaan wadada, wasiirkii yimaada waxa ay yidhaahdaan wadadii ma wadaa lacagteedii, taasina waa tu bulshadu dareenkeeda imaatinkaaga ay qabto intii aad noo dhiibteena mar walba sida dayaxa ayaanu sheegnay meelo badan waanu ka sheegnay”.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here