Wefti Imaaraadka ka socda oo dalka lagu soo dhaweeyey iyo Ujeedadad Socdaalkooda oo ay gudo galeen + SAWIRRO

0
842

HARGEISA , (HargeisaPress) β€”Β Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maantaΒ  hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilayΒ  wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E).

 

Waftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uuΒ  hogaaminayay guddoomiyaha hay’ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta & Awqaafta, oo booqasho ku yimid dalkaΒ  saaka.

7cc74297-3c9a-4727-baf4-fe2a51e8c6e9

Madaxa waftiga ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhawaynta uu kala kulmay Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda, laga bilaabo markii ay ka soo degeen dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international Airport ilaa iyo intii uu maraayay xarumaha dawladda Somaliland ee uuΒ  boqday.

7784b4d0-1e7c-4da6-b4a5-22d948dd0ab7

Madaxa waftiga hogaaminaayeyΒ  MudaneΒ  Maxamed Madar Saalim Al-kacbi Β wuxuu ka xog waramay sida uu dalkoodu u ahaaΒ  dhowr iyo soddon sano ka horΒ  goob lama degaan ah ooΒ  faqri iyo aqoon darroΒ  taallo, maantana dalkaasi u noqday mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan dunida, taasi oo ku timid, ayuu sheegay madaxa waftigu hogaaminta wanaagsan ee sheikh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, waxaana uu intaa ku daray inuu halkan ka arkay in dalkan uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Silanyo iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisuba ay si wanaagsan oo horumar lagu gaadhayo ay kuΒ  hogaaminayaan dalka Somaliland.

 

Wuxuu intaaΒ  ku daray in waxkasta oo karaankooda ah oo ay la qaban karaan aanu dalka Imaaraadku kala hadhaynin dalka Somaliland ooΒ  uu u arko dal walaalo ah Carab ah oo Islaam ah.

731199c5-0e35-4226-b602-5b96707a825c

Isagoo ka hadlaya noocyada taageero ee ay u fidinayaan Somaliland, wuxuu sheegay inay dhisme u samaynayaan Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ugu tababari-doonaan Shaqaalaha ka hawl-gala Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Waxaa uu intaa raaciyay inay mashaariic ka fulin doonaan Xarunta Agoomaha Hargaysa, sidoo kalena ay jaamacada hargaysa gaar ahaan qaybta kulliyada daraasaadka Islaamiga ah ay si weyn wax ula qaban doonaan, taasina ayΒ  heshiis kala saxeexanayaanΒ Β  maamulka sare ee Jaamacada Hargaysa.

kakak

Madax waftigu waxaa uu ka codsaday Madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madaxwaynaha inuu salaan sharaf ka gaadhsiiyo Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay inuu muujiyayΒ  hogaamiyenimo wanaagsan sida uu ka arkay dalka intuuΒ  ku sugnaa.

 

Dhinaca Somaliland Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simahaΒ  Madaxwaynaha wuxuu si weyn uga mahadnaqay hogaanka isu-tagga Imaraadka Carabta kuwaas oo uu ku tilmaamay inay gurmad laxaad leh oo qiimo badan u yeesheen Somaliland gaar ahaan intan abaarta ba’ani jirtay, iyadoo ayuu sheegay ku simaha madaxwaynuhu in ay dhowr jeer Imaaraadku keenen mucaawimo ay ku jirto kaalmo dhinaca ceelasha biyaha ah haatana uu taagan yahay dekada Barbara deeq mucaawimo ah oo ay Imaaradku leeyihiin ooΒ  loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen.

 

Waxaanu raaciyay ku simaha Madaxwaynuhu in mucaawimo intaa ka badan waliba laga sugayo dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan wakhtigan ay sii baahday abaartu, dadiina ay u dhimanayaan xaalada abaaraha, iyadoo ay xooluhuna ka horeeyeen.

 

Ugu DanbayntiiΒ  ku simaha Madaxwaynuhu wuxuu ka dalbaday madaxa waftiga in mahadnaq iyo salaan ka gaadhsiiyaan amiirka isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, xukumadda iyo shacbiga Imaaraadka, waxaana uu halkaa ku gudoonsiiyay kusimaha Madaxwaynuhu Shahaado sharaf madaxa waftiga MaxamedΒ  Madar Β iyo Hay’ada Sheikh Saa’id Foundation ee u qaabilsan Imaraadka gargaarka.

 

Waftigu intii ay dalka joogeen oo ahayd galinkii hore ee Jimacaha waxay indho-indheeyeen xarumaha wasaarada warfaafinta, iyagoo shir la qaatay wasiirka wasaarada warfaafinta JSL Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo si gaara uga waramay xaalada abaartaΒ  dalka ka jirta, oo ay ku wahelinayeen wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta Marwo Shurgi Xariir Ismaciil, iyo masuuliyiinta kala duwan ee wassaaradda.

 

Waxay kale oo ay mareen waftigu xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada diinta iyo awqaafta iyagoo halkaa warbixin kagaga dhagaystay wasiirka diinta iyo awqaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo waftiga dhiggiisa ah gadhwadeen u ahaa intay dalka joogeen, waxaa kale oo ay mareen xarunta agoomaha ee hargaysa oo ay warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiinta xaruntaasi ka masuulka ah oo ay horkacayso Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, waxay kaloo mareen xarunta jaamacada hargaysa halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Guddomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof. MaxamuudΒ  YuusufΒ Β  oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee Jaamacadu oo uu ka mid ahaaΒ  hormoodka daraasaadka islaamiga ah Prof Bade.

Β 

Weftigan iyo socdaalkooda dalka waxa xidhiidhinaayey Safiirka Somaliland ee isu-tagga imaaraadka carab Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu hawlo shaqo awgeed aan u soo raacin.

 

Madaxda dalka Somaliland ka socotay ee dalka ku soo dhawaysay weftiga waxa ka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawda Axmed Nuur Faahiye, Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi).

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Β Β Β Β Β Β Β Β  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.Β 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here