Wefti Ka Socda Golaha Wakiillada Somaliland oo Booqday Baarlamaanka Gobolka Wales

0
761

Wales (HargeisaPress): Wefti ka socda golaha Wakiiladda JSL oo maalmahan ba safar shaqo ku jooga dalka UK ayaa kulamo la yeeshay xildhibaano ka tirsa baarlamaanka dalkaasi.

Weftigan ka socda golaha Wakiiladda Somaliland oo uu hogaaminaayo gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golahaasi Cali Xaamud Jibriil, ayaa kullan la yeeshay xubno ka mid ah baarlamaanka gobolka Wales, ee dalka Ingiriiska.

Weftigan ka socday Somaliland ayaa uga mahad celiyay baarlamaanka gobolka Wales, soo dhawaynta diirran ee ay u sameeyeen.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan guddiga jaaliyadda reer Somaliland ee gobolka Wales, iyo bulshadda Somaliland ee deganka gobolkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa uga mahad celiyay baarlamaanka gobolka Wales, sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen.

Waxaanu sheegay Cali Xaamud, in ay ku faraxsan yihiin in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa labadda gole baarlamaan ee Wales, iyo Somaliland.


Waxaanu yidhi “Maanta waxaanu booqanay xarunta baarlamaanka gobolka Wales, sababta aanu halkan u nimid waxay tahay in aanu sio xoojino wada shaqaynta naga dhaxaysa, iyo xidhiidhka taariikheed ee kq dhexeeya golaha Wakiiladda Somaliland iyo gobolkan Wales”.

Waanu uga mahad naqaynaa baarlamaanka Wales, sida wanaagsan ee ay noo soo dhaweeyeen, iyo xidhiidhka naga dhexeeya. Waxa kaloo aan ku faraxsanahay in aanu sii xoojino wada shaqaynta naga dhaxaysa.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo baarlamaanka gobolks Wales, ee dalkan UK, waxaa ka dhexeeya xidhiidh taariikheed” ayuu yidhi Cali Xaamud Jibriil.

Geesta kale xubno ka tirsan baarlamaanka Wales, ayaa uga mahad celiyay weftigan ka socda golaha Wakiiladda Somaliland booqashadan ay ugu yimaadeen.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Wales, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay doonaynaan in ay doorkooda ka qaataan dhismaha xidhiidh wanaagsan oo dhex mara jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda UK, iyo sidoo kale baarlamaanka Wales, iyo ka Somaliland.

“Aad baanu idiinkaga mahad celinaynaa booqashadan aad noogu timaadeen xarunta baarlamaanka gobolkan Wales, weftigiinan ka socda golaha Wakiiladda Somaliland.

Waxaanu doonaynaa in aanu doorkayaga ka qaadano dhismaha xidhiidh wanaagsan oo dhex mara jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda UK, iyo sidoo kale wada shaqayn dhex marta baarlamaanka Wales, iyo ka Somaliland” ayuu yidhi mudanahaasi.

Sidoo kale mudane ka tirsan baarlamaanka gobolka Wales, ee dalka Ingiriiska oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu doonaynaa in laga sii xoojiyo inta uu hadda yahay xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Somaliland, iyo gobolkan Wales”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here