“Baaqayaga Aqoonsi Raadinta ahi waa in aanu Helno Taageerada Caalamka aanu…”

0
403

Hargeysa (HP): Wasiirka Deegaanka iyo isbeddelka cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil (Bandare), ayaa shaacisay in aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland doonaysaa aanay ahayn mid warqad ku qoran.

Hase ahaatee ay tahay inay hesho taageerada iyo iskaashiga ay caalamka uga baahan tahay.

Sidaasina waxay wasiir Shugri Bandare, ku bayaamisay warbixin dheer oo ay ku qortay Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa dalka Itoobiya, waxaanay kaga hadashay qaran dhiskii Somaliland ee 32kii sannadood ee la soo dhaafay, duruufaha isbeddelka cimilada ee ay Somaliland soo martay.

“Waxaanu soo marnay hayaan cajiib ah ilaa 1991-kii, laakiin waa markii dunidu ay ugu dambayntii aqoonsan lahayd adkaysigayaga aan caadiga ahayn, horumarka, iyo baahida aanu u qabno taageerada caalamiga ah.

Haddaan dib u milicsado horaantii sagaashamaadkii, waxaan dib u soo xusuustaa waddan qalalaase ka jiray oo rag iyo dumarba ay ku dhibaataysan yihiin,”ayay tidhi Marwo Shugri Bandare.

Waxaanay intaas ku dartay, “Somaliland waxa ay ka soo tallaabsatay burburkii ku habsaday gobolada, iyada oo ay naga go’nayd in ay dib uga dhisno dalkayaga wakhtigii aanu dib ugala soo noqonay xoriyadayadii Soomaaliya.

Waxaan la kulannay caqabad aad u adag oo aanu dib u dhiska qarankayaga ka soo bilownay sagxada hoose.”

“Waxaan nasiib u yeelanay inaan horumar baaxad leh sameynay 32-kii sanno ee la soo dhaafay, taasoo ay ugu wacan tahay dedaalka hagar la’aanta ah ee dadkayaga.

Ma aha oo kaliya in aan dib u dhisno qarankeenna, laakiin sidoo kale waxaan dib u dhisnay ruuxdayada iyo maskaxdayada wadajirka ah. Waxaan galnay wada xaajood nabadeed,”ayay tidhi Wasiirku.

Wasiir Shugri waxa ay sheegtay in Somaliland tobankii sannadood ee la soo dhaafay ay abaaruhu ku soo noqnoqdaan oo mar walba ay soo wajahaan dalka.

Kuwaas oo dhibaato weyn ku haya bulshada beeralayda iyo xoola-dhaqatada ah oo ah halbowlaha dhaqaalaha Somaliland.

Waxayna tilmaantay in sido kale ay dalka ka dhaceen duufaanno, iyadoo caqabadahaasi ay keeneen in la yaqiinsado isbeddelka cimilada.
“Dawlad ahaan, waxaanu qaadnay hindise aanu dadkayaga ku wacyigelinayno isbeddelka cimilada iyo muhiimadda ay leedahay la qabsigeedu.

Waxaan si adag uga shaqeynay inaan horumarino siyaasadaha la jaan qaadaya Himilooyinka horumarinta joogtada ah ee Qaramada Midoobay,”ayay tidhi Wasiirku.
“Baaqayaga aqoonsi raadinta ahi maaha oo kaliya aqoonsi warqad ku qoran ee waa in aanu helno taageerada aanu uga baahan nahay caalamka.

Waxaanu qaadnay tallaabooyin muhiim ah si aan u yareyno saameynta isbeddelka cimilada, waxaanan si adag uga shaqeynay in aan horumarino hab dhammeystiran oo ku wajahan ilaalinta deegaanka iyo sii jiritaankiisaba.”

Geesta kale wasiirku waxa ay ku dooday in aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland heshaa ay tahay qiraalka isbeddelka muuqda ee ay ku tallaabsatay.

Waxayna tidhi; “Waa xilligii duniddu ay aqoonsan lahayd adkaysigayaga, Aqoonsiga Somaliland maaha kaliya niyad wanaag ee waa qiraalka isbeddelka muuqda ee aan ku tallaabsannay iyo sida ay nooga go’an tahay in aan mustaqbal ifaya u helno dadkayga (Somaliland) iyo caalamkaba.”

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here