Kulan Dhexmaray Golaha Wakiillada Somaliland iyo Safaarada Ingiriiska

0
1341

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal Aadamaha ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kullan la yeesheen mas’uuliyiin  ka socday Safaarada Ingiriiska ee Somaliland.

Kulankan oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd islamarkaana mudo saacado ah qaatay, ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta aqalka golaha Wakiillada.

Ujeedka kulankaas, ayaa la xidhiidhay dib u eegista iyo sii xoojinta wada-shaqayneed ee ka dhaxaysa Guddiyada golaha iyo masuuliyiin Cusub oo loo soo magacaabay British office Hargeysa.

Kulanka oo sidoo kale daaranaa is xogsiinta labada dhinac safaarada Ingriiska ee Somaliland iyo Golaha Wakiillada, ayaa is faham guud oo wada shaqayneed ku soo dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here