“Waxaanu kordhinay wakhtigii aanu suuqa ku gubtay ku nadiifin doono…”

0
600

Hargaysa (HP): Maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in ay kordhiyeen wakhtigii ay hore u sheegeen in ay suuqa gubtay ee Waaheen ku nadiifin doonaan oo ahayd maalinta Salaasada.
Waxaanu tilmaamay maayarku in ay Suuqa nadiifintiisa dhamaystiri doonaa maalinta Axada ah ee todobaadkan danbe, isla markaana la bilaabi doona qorshihii loogu talo galay dhismaha.
C/kariin Axmed Mooge, oo maanta warbaahinta kula hadlay isla halka uu suuqa Waaheen ka gubtay, ayaa ugu baaqay kuna wargeliyay dhamaanba ganacsatadii suuqa Waaheen in ay mudadaa loo qabtay ka gala baxaan wixii alaab ah ee u bad-baaday.

DAAWO: Maayar Mooge Oo Arrimahaasi ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here