Guddoomiyaha Ururka Dimoqraadiyadda Shacabka Somaliland Oo Ka Hadlay Suuqa Waaheen Ee Gubtay

0
464

Hargaysa (HP): Gudoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdalle, ayaa ka hadalay dhacadadii naxdinta weynayd ee ka dhacaday suuqii Weynea ee Waaheen ee magaaladda Hargaysa.
Waxaanu sheegay guddoomiyuhu in ay ka urur ahaan la qaybsanayaan dhibaatada iyo tiiranyada soo gaadhay ummadeena, isla markaana ay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba.
Mudane Axmed Cabdalle, gudoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo soo war qoraal ah arrintaasi ka soo saaray, waxa uu u dhignaa sidan:
“Anigoo ku hadalaya magacayga iyo ka dhamaan tageerayasha ururka Dimuquraadiga Shacabka Somaliland gudo iyo dibadaba. Waxaan la qaybsanayaa dhibaatada iyo tiiranyada so gaadhay umadeena anigo la garab taagan hiil iyo hooba.
Sidoo kale waxaan ILAAHAY SWT uga baryaya dhamaan ganacas tadeeni halkaas wax ku noqtay inuu eebe cawada qayr qaba ugu badalo hanti doodi suuqada hawaheen ee magalada hargisa kaga gubatay.

Dhanka kale waxaan aad ugu mahad celiyaa ciidmada dab-damaiska ciidamada boiska ciidamada milterga iyo shacabka reer Somaliland iyo suxuufiyiintii iyguna kaqaab qaatay gurmadka oo dhamaan tood muujiyay wadaniyad iyo dadaal fara badan.
Sidoo kale ururka Dimuquraadiga Shacabka Somaliland wuxuu aad ugu mahad naqayaa dawada deeganka somalida Ethiopia oo iygu sii walatimo leh ugu qabqaatay dhibadii ka dhacaday suuqa waaheen ee magalada hargisa.
Gabagabadii ururka Dimuquraadiga Shacabka Somaliland wuxuu qofkasta oo awooda ku boorinayaa inuu ka qayb qaato tabaruucadka loo fiidinyo dadkii hantidoodu suuq waaheen ku gubatay.”
Gudoomiyaha ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland.
Axmed Cabdalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here