Wasiirro Kulan La yeeshay Golaha Degaanka Hargaysa

0
717

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiiradda wasaaradaha arrimaha gudaha iyo  Diinta iyo aw-qaafta ee Somaliland ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta dawladda hoose  xildhbaanada golaha degaanka   Hargaysa.

Waxaana wasiirrada sheekh Khaliil C/laahi Axmed iyo Maxamed Kaahin Axmed,  kulankaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Maroodijeex  Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.

Shirkaasi  oo  warbaahintu  banaanka ka joogtay  ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta si wada jira faafhaahin uga siiyay arrimihii lagaga wada hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo maayarka caasimadda Hargaysa.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo u jeedadda kulanka ay la yeesheen golaha degaanka Hargaysa, waxa uu yidhi  “Duqa iyo qoladiinan fulintu markii aanu is aragnay, ee  aanu muddo door ah isla yara wad-wadnay, ee aanu  arrintan isla naaqishnay.

Waxaanu isla garanay dhammaan goluhu isagoo isu wada dhan in aanu halkan kullan isugu nimaadno,  isla markaana aynu is weydiino hawlaha imika inoo yaalla iyo hawlaha la doonayo mustaqbalka in aynu qabano, iyo waxyaabaha imika u baahan in wax laga qabto ee deg degga ah.

Arrintaasi ayaynu isla eegaynaa,  wixii hawl ah-na aynu ka wada hadalno,  ayaynu qorshaheeda gelaynaa”.

Geesta kale maayarka Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in iyadoo kal-fadhigoodii caadiga ahaa u socday golaha in ay hadana ku soo casuumeen wasiirka arrimaha gudaha.

“Inaga iyadoo kal-fadhigeeni caadiga ahaa inoo socday,  waxaa kulankeenan aan ku soo macsuunay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland” ayuu yidhi duqa Hargaysa.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here