“Jidkani waa in uu noqdo ka saddexaad ee la dhiso waxaanan”…

0
659

Oodweyne (Hargeisa Press.com): Wasiirka gaadiidka iyo  jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa shaaca ka qaaday in si dhakhso ah loo bilaabayo dhismaha jidka isku xidhaya goboladda Daadmadheedh iyo Togdheer.

Waxaanu tilmaamay in waddada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Oodweyne ay hal-bawle u tahay qaranka, isla markaana marka uu dhamaado dhismaha jidka Ceerigaabo oo hadda gebagebo ku dhaw in la bilaabi doono jidka Oodweyne.

Cabdillaahi Abokor Cismaan, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay magaaladda Oodweyne ee xarunta gobolka Daadmadheedh oo ay safar ku tegeen isaga iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland.

Wasiirka gaadiidka iyo jidadka oo ka hadlayay muhiimadda ay qaranka Somaliland u leedahay waddada Oodweyne iyo goorta ay qorsheeyeen in la bilaabo waxa uu yidhi “Wadadani waxay ahayd hal-bawlaha saddexaad ee qarankani leeyahay.

Markaa waxaanu garanay,  maadaama oo Ceerigaabo sanadkan soo socda ay gebogabo tahay,  taana uu baanka horumarinta Afrika inaga damaanad qaaday dhaqaalaha ku baxaya.

Jidkani waa in uu noqdo wadadda saddexaad ee la dhiso. Waxaananu imika ku jirnaa diyaar garawgii”.

Cabdilaahi Abokor, ayaa ugu bushaareeyay bulshadda goboladda Daadmadheedh iyo Togdheer in si dhakhso ah dhismaha jidkaasi loo bilaabo.

“Waxaanan ugu bushaaraynayaa dadweynaha reer Oodweyne ama goboladda Daadmadheedh, Togdheer iyo Maroodijeex in wadaddani sida ugu dhakhsaha badan leh loo bilaabi doono,  haddii ALLE ka dhigo”ayuu yidhi wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here