Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Xilkii Ukala Wareejisay Wasiiru Dawlihii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Iyo Wasiiru Dawlaha Cusub Ee Dhawaan lasoo Magaacabay + SAWIRRO

0
1481

HARGEISA , (HargeisaPress) β€”Munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen wasiiru dawlihii hore ee wasaarada maaliyada somaliland Dr. Maxamed Faarax DucaaleΒ  iyo wasiiru dawlaha cusub ee dhawaan madaxwayne siilaanyo usoo magacabay wasaarada Mud.Boos Mire Maxamed oo isagu hore u ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada gaashaandhiga Somaliland ayaa manta ka qabsoontay hoolka shirarka ee xisaabiyaha guud ee qaranka Somaliland.

 

Waxaana munaasibad kasoo qayb galay wasiirka maaliyada Somaliland SamSam Cabdi Aadan agaasimaha, iyo waliba shaqaale waynaha wasaarada maaliyada.

20160412_102546

Wasiiru dawlihii hore wasaaradda Maaliyadda Somalilad Dr. Maxamed Faarax Ducaale, oo xilwareejintaasi ka Hadley ayaa ku si feeyey shaqaalaha wasaaraddaasi inay ahaayeen shaqaale wanaagsan waxaana uu yidhi

 

β€œMarka hore waxaan aad iyo aadΒ  ugu mahadnaqayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,oo markii hore ii magacaabey xilkan,immikana iga qaadey,aad iyo aad ayaan ugu mahadnqayaa ”

20160412_101205

Sidoo kale waxaa uu wasiiru dawlihii hore wasaaradda Maaliyadda Somalilad Dr. Maxamed Faarax Ducaale, u mahad celiyey shaqaale weynaha wasaaraddaasi waxaana uu yidhi

20160412_102136

β€œRuntii shaqaalaha wasaaradda Maaliyaddu waxay ahaayeen shaqaalihii ugu wanaagsanaa ee aan abid la shaqeeyo,iyagana aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa,waxaanan ku soo dhaweynayaa Boos,wasaarad ay joogaan shaqaale karti iyo aqoon leh”Ayuu yidhi wasiiru dawlihii hore wasaaradda Maaliyadda Somalilad Dr. Maxamed Faarax Ducaale.

 

Geesta kale waxaa halkaasi ka Hadley wasiiru dawlaha cusub ee wassaaraddaasi Mud.Boos Mire Maxamed, oo hore u ahaa Wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaashaandhigga,waxaana uu ka codsadey shaqaalaha wasaaradda inay si fiican ula shaqeeyeen,isaga oo geesta kalena ka dalbadey dadkii inay Illaahay u baryaan inuu xilkaa u fudeeyo waxana uu sidoo kale ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay inuu dadka iyo qarankaba ka shaqeeyo waxana uu yidhi.

20160412_102536

”Waxaan marka hore u mahadnaqayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xilkan uu ii magacaabey”Wasiiru dawlaha cusub ayaa hadalkiisa sii raaciyey β€œWaxaanan ka codsanayaa shaqaalaha wasaaraddan inay iila shaqeeyaan sidii ay ula shaqeeyeen DR.Maxamed,waxaanan ballanqaadayaa inaan si fiican idiinla shaqeeyo,waxaad iigu duceeysaan inuu Illaahay xilkaa ii fudeeyo”Ayuu yidhi wasiiru dawlaha cusub ee wassaaraddaasi Mud.Boos Mire Maxamed.

 

Wasiirka maaliyadda Somalilad Marwo Samsam Cabdi Aadan,oo xafladdaasi soo af-meertey ayaa u uga mahadcelisey wasiiru dawlihii hore mudadii ay soo wada shaqeeyaan iyada oo alle-na uga bariday inuu badalkeeda helo ,waxaana sido kale ay soo dhaweysey wasiiru dawlaha cusub ee lasoo magacaabay waxaanay tidhi.

 

β€œWaxaan u mahadcelinayaa muddadii aan soo wada shaqeyney wasiiru dawlihii hore,oo aan odhan karo wuxuu ahaa wasiir shaqo badan,wax badanna u qabtey qarankan”

20160412_102637

Wasiir Samsam ayaa sii raacisey”Waxaan soo dhaweynayaa wasiiru dawlaha cusub ee wasaaraddan loo soo magacaabey”Ayey tidhi Wasiirka maaliyadda Somalilad Marwo Samsam Cabdi Aadan.

 

Ugu Danbaynti wasiirka maaliyada Somaliland ayaa iyadu xilalka u kala wareejisay labadan masuul iyada oo dhanka kalena shaqaaluhu ay shahaado sharaf ku maamuuseen wasiiru dawlihii hore Dr. Maxamed Faarax Ducaale .

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here