Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Shaacisay In Duur Joogta Shacabku Haystaan La Gaynayo Xarunta Debis

    0
    287

    Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay in ay dhawaan duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan loo rarri doono xarunta xanaanaynta xayawaanka ee Debis.

    Xarunta Debis oo ku taalla deegaanka ku taalla gobolka Maroodijeex, ayay wasaaradda deegaanka Somaliland gacanta ku haysay labadii sanadood ee u danbeeyay, isla markaana ay imika ka socoto diyaarintii qayntii la dejin lahaa duur joogta Dugaagga ah.

    Halkaasoo ay imika joogaan tiro badan oo ka mida duur joogta kala duwan ee ay gacanta ku hayso wasaaradda deegaanka Somaliland, kuwaasoo isugu jira Deerro, Sakaarro, Adeeryo, Cawl, iyo noocyo kale.

    Wasiirka deegaanka Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi oo booqasho ku tegay xarunta xanaanaynta duur joogta ee Debis, ayaa sheegtay in dhawaan ay xaruntaasi gayn doonaan duur joogta ay gacanta ku hayaan dadka shacabka.

    Wasiirku waxa ay tilmaantay in xarunta Debis oo ay ku jiraan duur joogta kala duwan in la qorsheeyay sidii dhawaan loogu soo darri lahaa in la geeyo duur joogta Dugaaga ah, sida Harimacadka iyo noocyo kale.

    DAAWO: Wasiirka Deegaanka iyo Masuuliyiinta Kale Oo Xaruntaasi Ka Warbixinaya:

     

     

    Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here