Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Xildhibaanadii Heshiiska La Galay Xisbiga Kulmiye?

0
1367
faysal-cali-waraabe-oo-fariin-u-diray-xasan-sheekh-weerar-afka-ahna-ku-qaaday-farmaajo

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xibsiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay heshiiskii ay shalay Xildhibaano ka tirsan xisbigiisu ay la galeen xisbiga  Kulmiye.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay inaanu waxba ka jirin heshiiskaasi dhexmaray xisbiga Kulmiye iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ee xisbiga UCID, taas oo ay isku afgarteen inay isku gaarabsadaan doorashada guddoonka Golaha Wakiillada.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu sheegay in xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan ay hareer mareen xeerka iyo dastuurka xisbiga.

Waxa uu intaasi gudoomiye Faysal ku daray in gudoomiyaha oo kaliya uu xisbiga u geli karo heshiis, halka xildhibaannada heshiiska Kulmiye la galayna uu sheegay in cawaaqib adag la marsiin doono.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay xildhibaanada Kulmiye taageeray ay kursiga waayi doonaan hadii ay u codeeyaan musharaxa shirgudoonka Kulmiye u sharaxay.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale sheegay in sidi uu awooda ugu lahaa in uu sharaxo musharixiinta uu awood ugu leeyahay in iyaga oo xildhibaano ah xilka ka qaado.

Shalay ayay ahayd markii uu heshiis dhexmaray xildhibaano ka socday xisbiga UCID iyo xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here