Wasiirka Deegaanka JSL Oo Soo Kormeertay Dhaamka Xaaji Salaax

0
669

Oodweyne (HP): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta soo kormeertay Dhaam biyoodka degmadda Xaaji Saalax.

Wasiir Shukri Baandare, oo safar shaqo ku joogta gobolka Daad-madheedh, waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay Agaasimaha guud ee rasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, badhasaabka Togdheer, iyo masuuliyiin kale.

Dhaam biyoodka laga qodayo degmadda Xaaji Saalax, oo weli qodistiisu socoto waxaa maalgelisay xukuumadda dhexe ee JSL.

Wasiirka Deegaanka JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo kormeerka ay Dhaamka ku soo martay ka warbixisay ayaa sheegtay in bulshadda deegaankaasi looga baahan yahay in ay fahmaan muhiimadda uu dhaamkaasi u leeyahay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here