Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Magaalada Laascaanood

0
2216

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegay aan in xaaladda magaaladu ay saaka degan tahay, kadib markii ay halkaasi ka dhaceen dibad-baxyo rabshado wata.

Dibad-baxyo rabshado wata oo ay dad ku dhinteen, ayaa magaalada ka dhacay, kadib markii halkaasi uu ka dhacay dil loo gaystay Nin Dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka magaalada.

Dilkaasi, ayaa waxaa cadho xoogan ka muujiyay dadweynaha magaalada Laascaanood, iyagoo dowladda Somaliland ka dalbaday inay waxka qabato dilalka ku soo noq-noqonaya magaalada.

Sidoo kale, Xarunta xuquuqal insaanka madaxa-banaan ee Somaliland, ayaa cambaareysay in hub loo adeegsado dadka rayidka ee bannaanbaxyada ka wada magaalada Laascaanood.

Xarunta, ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dalbatay in baadhitaan lagu sameeyo gacanta adag, ee ay ciidamadu ku wajahayaan dadka shacabka ee ka gadoodsan dilalka ku soo noqnoqday magaalada.

Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa ku baaqday in la xushmeeyo xaqa banaan-baxayaasha iyo codkooda, sida uu dastuurka siinayo.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanka, ayaa shalay ka hadashay dhibaatada haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka, ayaa waxa lagu sheegay in Mareykanka uu codkiisa ku biirinayo dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Waxa kale oo lagu yidhi qoraalka Safaaradda, “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.”.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shacabka Laascaanood ka codsaday inay is dajiyaan, isla markaana wakhti la siiyo wada-hadalka.

Banaanbaxyada rabshadaha wata ee maalmihii ugu dambeysay ka socday magaalada Laascaanood, ayaa qarxay kadib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaas loogu gaystay Cabdifitaax Cabdallaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada magaalada.

Cabdifataax Hadraawi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, ayaa ka tirsanaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaana la garan waayay cid dishay, taas oo sababtay in shacabku dibad-baxo.

Si kastaba, magaalada Laascaanood waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here