Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Oo Magacaabay Guddi Ka Kooban 7 Xubnood + Magacyada Gudida Iyo Shaqada Ay Qaban Doonaan

0
1119

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa magacaabay guddida qaban-qaabada Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, halka sidoo kale uu ku dhawaaqay wakhtiga ay qabsoomi doonto doorashadu.

 

Qoraal lagu magacaabay gudida oo ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu caddeeyay magacyada 7-da xubnood ee guddida qaban-qaabada iyo waajibaadyada ay gudan doonaan, iyaga oo sidoo kale la faray inay sida ugu dhakhsaha baddan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo magacaabay.

 

Qoraalka wasiirka ayaa u dhignaa sidan:

 

“Kadib markaan arkay baahida loo qabo Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, markaan ku qancay aqoonta iyo waayo arragnimada ay u leeyihiin, markaan la tashaday cid kasta oo ay khusayso waxaan gartay inaan u magacaabo guddida qaban-qaabada doorashada xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, xubnahan hoos ku xusan:

 

Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) – Guddoomiye

Cabdiraxmaan Aadan Cumar (Awga) – Xoghaye

Maxamed Nuux Jibriil – Xubin

Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) – Xubin

Luqmaan Cumar Cabdi –  Xubin

Iid Jibriil Axmed– Xubin

Cumar Cabdi Aadan (Henry) – Xubin

Waajibaadkooda Shaqo ayaa waxay tahay:

Inay isku duba-ridaan dhammaan hawlaha ka horeeya Doorashada ee loo baahan yahay.

Inay diyaariyaan shuruudaha musharixiinta.

Inay diyaariyaan Dastuurka Xidhiidhka Kubadda Cagta qoraalkiisa kama dambeysta ah.

Inay hubiyaan dhammaan shuruudaha looga baahan yahay kooxaha heerka 1-aad, 2-aad iyo 3-aadba.

 

Dhammaan hawlahaasi waa inay diyaariyaan inta ka horeysa Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, oo qabsoomi doonta haddii ALLE yidhaahdo 20-ka iyo 21-ka bisha July/2016.

 

Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu idiin fududeeyo hawshaasi baaxada leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here