Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Cusbitaal Laga Dhisayo Magaaladda Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley

0
1118

Arabsiyo, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye), ayaa maanta dhagax dhigay cusbitaal laga dhisayo magaaladda Arabsiyo ee gobolka Gabiley, kaasi oo noqonaya cusbitaalkii ugu weynaa ee magaaladaasi laga dhiso.

Cusbitaalkaasi oo dhaqaalaha lagu dhisayo ay iska kaashadeen ganacsadaha caanka Axmed Daahir Cumar (Baxsane) iyo qaar ka mid ah qurba joogta wadamadda dibadda ku nool ee Walaaha reer Arabsiyo.

Waxaana munaasibadii dhagax dhiga cusbitaalkaasi goob joog ka ahaa wasiirka caafimaadka, wasiirka wershadaha, isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley, xubno ka mid ah qurbejoogta walaalaha Arabsiyo, xildhibaano, cuqasha degaanka, iyo masuuliyiin kale.

Halkan Hoose Ka Daawo:

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here