Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Sharci-nimada Wakiil Xisbiga Waddani Dhawaan U Magacaabay Midawga Yurub

0
976
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii u horraysay ka hadlay Wakiil Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani u magaacabay dalalka dibedda, gaar ahaan kuwa Midawga Yurub, isla markaana waxa uu sheegay in Xisbigu magacaaban karo Wakiil Xisbi, hase-ahaatee, aanu magacaaban karin Qof metelaya Qaranka Somaliland.

Wasiir Sacad waxa uu sidaa ku sheegay kulan gaar ah oo uu shalay la yeeshay Guddiga arrimaha dibedda ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu Warbixin ka siiyey Siyaasadda dibedda iyo heerka ay wakhtigan marayso. “Wakiil Xisbi ayuu magacaaban karaa ama dawlad ha u tago ama Baarlamaan ha u tagee. Laakiin, Qof Qaranka metelaaya ma magacaaban karro, ee Qof Xisbiga metelaya wuu magacaaban karaa oo nidaamka ayaa sidaa dhegaya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo Weriyeyaashu su’aal ka weydiiyeen Wakiilka Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro dhawaan u magacaabay Midawga Yurub.

Sidoo kale, Wasiir Sacad wuxuu ka hadlay ujeeddada kulan dhexmaray Guddiyada arrimaha dibedda ee Golayaasha Baarlamanka ee Wakiillada iyo Guurtida, kulankaas oo albaabbadu u xidhanaayeen, ayaa markii uu soo dhammaaday Saxaafaddu wax ka weydiisay nuxurka lagaga wadahadlay, waxaanu Wasiir Sacad ku jawaabay; “Ujeeddada aan ugu imi labada Guddii ee arrimaha dibedda waa inaan uga warramo Wasaaradda iyo hawlaheedaba, wada shaqeyn wanaagsan baana naga dhexeysa labada Guddi, mana aha markii ugu horreysay ee aannu isku nimi.”

Dr. Sacad waxa uu xusay in uu dedaal badan ka galay ictiraaf-raadinta Somaliland intii uu xilka hayay, waxaanu yidhi; “Wasaaraddu illaa toban waaxyood ayey ka kooban tahay iyo Shaqaalaha ka shaqeeya oo dhan illaa 82, saddex iyo afartan ay dad khoboro ah yihiin, oo Jaamacado ka soo baxay. Wasaaraddu illaa 16 waddan ayey Wakiillo ku leedahay, waxaan Guddiga uga warbixiyay waxyaabihii ii qabsoomay muddadii 12-ka bilood ahayd ee aan xilka hayay, qayb libaax baan ka qaatay ictiraaf-raadinta Somaliland illaa 13 waddanna waan soo maray.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here