Marwo Samsam Cabdi Aden Masuul ka runn sheegtay Xil gudasho Qaran Q/2aad W/Q: Nimcaan cadaani Xuseen

0
1115

Akharistow marka aan indhah laga Qarsan xaqiiqada jirta iyo Samsam cabdi adan waa haweenay isku darsatay Karti,Aqoon xilkasnimo iyo Xeeldheri garaad oo ayy  weheliso  khibarad dadnimo iyo dun wanagsani isla markaan waxay lagu masaali kara Iftiin ka dhex bidhaamay haweenka afka somaliga ku hadal ama Qaarada Africa inay tahay hormoudkood ama haldoorkiida

Arinka samofalka oo ah dariiq ugu haboon ee qofka bini admiga ah sharafkiisa iyo cisigiisab sarre uu Qaada kaas oo ah inuu qofku bixiyo Sadaqo jaari ah Taas oo ah ficil lagu yaqaano marwo samsam oo ayy ku liibanyso Akhiro iyo Aduunba, hadab waxa tusaale inoogu filan.

Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan  inay dedaal xooggan gelisay hirgelinta mashruuca dhagax-dhigga bilowga dhismaha Kulliyadda Tababarka Macallimiinta,muddo afar sannadood ah oo ay wasiir ka ahayd Wasaaradda Waxbarashada,

sidaa darteedna waxa lagu   maamuuseey inay kala qaybgasho munaasibadda dhagax-dhigga bilowga dhismaha Kulliyadda Tababarka Macallimiinta, isagoo dhanka kalena wasiirka waxa barshadu  ka dalbay wasiiradda in ay haatanna uga baahan yihiin inay kaalin muuqata ka geysato dhammaystirka mashruucan.

Dhanka kale waxay sarre ukaca baaxad weyn leh ku sameysay arrinka ururinta cashuurah oo ah dakhliga keliya ee soo gall qaranka isla markaan waa seeska shaqo waxa uu  laf dhabrta uu  yahay  hawalah shaqo ee qarankani ku kal socdo.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sandkan gudahiisa  shir jaraa’id oo aya ku qabatay xafiiskeeda magaalada Hargeysa ayaa ay  si rasmi ah u shaacisay bilowga  nidaam cusub oo ololaha cashuur ururinta, sidoo kalena waxay ka warantay nidaam cashuureedkan cusub ee ay isticmaali doonaan inta ka hadhay sannadkan

Waxa hubaal ah in cashuur uririntu ay tahay hanaan iyo hilin shaqo oo adag isla markaan caqabdaheeda leh waxay sarre uu qaadday wasiiradu  hanaanka cashuur ururined ee qaranka iyadoo qorsheyaal dhow iyo qorshayaal fog fogba ka dejisay hanaanka cashuurah dalka oo dhan.

Waxa darrsada baldhan oo lagu sameeyay dalka Denmarka taas oo lagu ogaanaya meesha ay maryso habka cashuur uruinta dalku lagu soo ban dhigay inay noqatay xubinta kaliya ee bilaa musuqmaasuqa ka madaxa banan isla markaan waa Sumadd ama bartilameed wasiirda maaliyadah ee gobalka Geeska Africa.

Qodabad kale ee Akharistow uu baahan milicsiga waxa weeye in Marwo Samsam cabdi adan ayy sameysay qorshe Ku cusub somaliland iyo waddamd soo korayba taas oo ah in qofka da’adiisu ama wakhtiga uu jiraa uu weynaado loo qoro Xaqqiisa ama lacagta loo yaqaano bisilka.

Taas oo muadadii ayy wasiirka waxabarshad ahayd ayy ku bilowday macalimiintii da’doodu weynaaden  mudo dheeran uu soo shaqeynay Qaranka.

La soco qaybta Danbe

Qalinkii: Nimcaan cadaani Hussein

  Bachelor science of public health

Cadaani123@gmail.com

Tell 252-63-4174513

Hargiesa Somaliland

Afeef

 Akharistow Qoraalkaygan Waxa uu ka imanyaa Maskaxdayda caafimadka qabta iyo maankayga oo wadda jirra isla markaan igma Ah Akhris kaliya oo bulshda ah balse waxa hareer socta in bulashdu argato shaqsiga haldoorka ah ee iftiisku baxyo in la ogaado oo bulashda uu ka dhex suntanado 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here