Wasiirka Biyaha Somaliland Oo U Bushaareeyay Bulshadda Berbera

0
380

Berbera (HP): Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed, ayaa ugu bushaareeyay bulshadda gobolka Saaxil gaar ahaana magaaladda Berbera in ay helayaan biyo ku filan oo aad u badan.
Waxaanu sheegay in rejadda bulshadda Berebra ee helitaanka biyo ku filan ay meel fiican marayso, isla markaana Berbera biyaheedu mar haddii la haysto kaydka biyaha ee dhulka hoostiisa, iyo magaaladda hareeraheedda in si fudud dhawaan loo soo gaadhsiinayo.

Wasiir Cali-Mareexaan, waxa uu xusay in ceelasha biyo soo saarka magaaladda Berbera la balaadhinayo, iyadoo ay hadda socoto hawsha balaadhinta ceelasha biyaha looga soo saaro.
Sidaas darteedna aanu jirin culays weyn oo laga wel-welo oo Berbera oo biyo la’aan ahi aanu jirin, isla markaana ceelal badan oo ilaa afar ceel biyood oo cusub in la hirgelin doono, kuwaasoo lagu soo xidhayo habka biyaha ay u hesho Berbera.
Wasiir Cali- Mareexaan, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu u jeediyay kadib kulan uu maanta la yeeshay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wakaaladda biyaha Berbera, isagoo wasiirku safar ku maraya goboladda bari ee dalka.


Geesta kala waasiirka biyaha ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Saaxil, iyo ka degmadda Berbera, iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Barbera Saleebaan Cabdi Looliye.
Waxaanay wasiirka iyo masuuliyiintaasi iska xog waraysteen xaaladaha biyaha ee guud ahaanba gobolka Saaxil gaar ahaana magaaladda Berbera, oo la tilmaamo in ay aad u yar yihiin biyaha ay dadweynuhu helaan.

DAAWO: Hadalka Wasiir Cali-Mareexaan:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here