Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Booqday Taliska Ciidamada Ee Gobolka Togdheer

0
1076

Burco (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa booqday Taliska Ciidamada ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa Ciidamada kala duwan ee halkaasi ku sugan u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Wasiirka, ayaa Ciidamada farayna in ay si buuxda uga qayb qaataan sugida amniga goobaha diiwaangelinta iyo amniga guud ee dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa uu kulan ballaadhan la qaatay Madax-dhaqameedka, Cuqaasha iyo Odayaasha gobolka Togdheer.

Waxaanu wasiirku kala hadlay Madax-dhaqameedka arrimaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Horruumarinta Gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here