Wasiirka Daakhiliga JSL Oo Kulan La Qaatay Ururadda Bulshada Rayidka

0
343

Hargaysa (HP)): Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Civil Society Organisations).

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka, ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in ay la xidhiidhay is-xog waraysi ku saabsan xaalada guud ee dalka, iyo arrinta ka taagan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin, waxa uu war-bixin dheer ka siiyay masuuliyiinta Ururada Bulshadda Rayidka ah xaaladda nabad-gelyada dalka iyo sida ay xukuumadda uga go’an tahay in dhibaatada magaalada Laascaanood ay ku dhamaato heshiis iyo hanaan nabad-geliyo.


Dhinkooda na masuuliyiinta Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa wasiirka war-bixin ka siiyay aragtidooda ku saabsan in laga wada shaqeeyo nabad-geliyada iyo horuumarka dalka.

Iyagoo na sheegay in ay diyaar u yihiin wada shaqaynta joogtada ah ee dawladda iyo Ururada bulshada Rayidka ah ka dhaxaysa, gaar ahaana wasaarradaha ay wada shaqaynta leeyihiin, oo ay ka mid tahay wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday is-faham buuxa jyo in loo wada shaqeeyo si ka dhaw sidii hore, iyadoo na masuuliyiinta ka socday Ururada Bulshadda Rayidka ah ay uga mahad neqeen wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, war-bixinta buuxda ee uu ka siiyay xaaladda Laascaanood, iyo kulan ay wada qaateen ba.

Geesta kale wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, waxaa kulankan ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here