Wasiirka Deeganka JSL Oo Kulan La Yeeshay Madaxa Mashruuca JPLG

0
317

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shir muhiim ah la qaadatay madaxda ugu saraysa ee mashruuca maamul Daadejinta dawladaha Hoose ee JPLG.

Kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda deegaanka Maxamed C/laahi Ducaale, iyo Agaasimaha Waaxda Fayo-dhawrka iyo horumarinta Deegaanka magaalooyinka ee wasaaradaasi.

Wasiir Shukri Baandare, waxay soo dhawaysay masuulka cusub ee loo soo magacaabay madaxa Mashruuca JPLG, Mr. Petrus Vaderol, oo shaqada kala wareegi doona masuulkii hore Mr. Paul Simkin, oo mudo badan Somaliland la soo shaqeeyay.

Mahad naq iyo is-barasho kadib, waxaa si gaar ah looga wadahadlay sidii barnaamij balaadhan oo Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada wax ka taraya looga dhex abuuri lahaa mashruuca JPLG.

Kaasoo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka ka caawinaya mashaariicda Adkaysiga iyo Awoodsiinta Bulshadda ee dhinacyada Ilaalinta Deegaanka iyo la qabsiga Isbedelka Cimilada.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa ku soo idlaaday is-af-garad wanaagsan iyo wadashaqayn waarta oo lagu balamay in ay dhex marto labadda dhinac.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here