Wasiirada Maaliyada Iyo Xanaanada Xoolaha Oo Gurmad Biyo Ah La Gaadhay Dad Ay Abaaruhu ku Saameeyeen Deegaanada Dhaboolaq, Fara Wayne Iyo Dawga Cad.

0
871

 Hargeysa, (HargeisaPress) — wasiirada wasaaradaha  Maaliyadda, xanaanada xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Iyo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa  gurmad biyo ah la gaadhay dad ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada Dhaboolaq, fara wayne iyo  Dawga Cad.

 

Dadweynaha deegaankaasi ku nool ayaa si weyn uga cawday saamaynta ay abaaraha baahsan ee deegaanadaasi ku  yeesheen iyo dhimashada sii kordhaysa ee xolaha ay abaaruhu saameeyeen, iyaga oo masuuliyiinta xukuumadana uga  mahad celiyey kaalmada biyaha ah ee ay la soo gaadheen.

 

 

Wasiirka maaliyada somaliland marwo Zam Zam Cabdi Aadan oo ka hadashay gargaarkan biyaha ah ee ay la gaadheen dadka ay abaaruhu ku saameeyen deegaanada galbeedka somaliland ayaa waxay hadalkeeda ku  bilawday

 

“ Abaar xun ayaa inagu dhacday ilaahay ayeynu ka baryeynaa inuu inaga dul qaado  dawlad ahaan waxaanu ku tala galnay in meeshii qaylo ka yeedhaba ama dadku ku dhibaataysan yahay aanu isdul taagno wixii aanu u qaban karnana aanu u qabano, haddii neef la badbaadiyo iyo haddii shan neef la badbaadiyo iyo haddii boqol neef la badbaadiyo  waa wax inoo badbaadaya oo ilaahay qadaray inaynu badbaadino, saakana waxaanu ka fikiraynay  in meelaha dhaboolaq in booyadaha looga dhaamiyo balse dhaboolaq xaaladeedu waaba tan, markaa xaaladu way adag tahay  waxaanan jecelnahay inay odoyaashu isku tagaan oo ay diyaar garoobaan, raashin ayaa laydiin keeni doonaa, biyo ayaa laydiin keeni doonaa idinkuna waa inaad ka hawl gashaan sidii aydun u basrin lahaydeen ee aad ugu tala gali lahaydeen mudo dheer.” Ayey tidhi wasiirka maaliyada somaliland marwo Zam Zam Cabdi Aadan.

 

Wasiirka xanaanada xoolaha somaliland Cumar Sheekh Maxamed ayaa isaguna dhinaciisa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen calafka xoolaha oo ay kaga badbaadiyaan xoolaha nool saamaynta taban ee ay abaaruhu ku yeesheen waxaanu yidhi “Mudo laba bilood ah waxaanu ku jirnay daawaynta xoolaha, ilaa shalayna waxaanu raadinaynay  inaanu helno raashin ama caws aanu ku badbaadino xoolaha, lo’du inta badan marka ay dhaadhacdo haddii ay biyo dhanaan cabaan hore ayey ka dhimanayaan, biyaha dhanaani uma fiicna inta ay dhibaatadu ku dhacdayna waa intii ka cabtay ceelasha biyaha dhanaan.”

 

Ugu dambayna dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaanada la gaadhsiiyey gurmadka biyaha ayaa masuuliyiinta xukuumada uga mahad celiyey gargaarka ay la soo gaadheen, waxaanay ka warameen saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen iyaga iyo xoolahoodaba.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here