Aqoon Darrada iyo Musuqmaasuqa Duqa Berbera Oo Fadhiid Ka Dhigtay Habsami U Socdka Shaqadii Dawlada Hoose

0
920

BERBERA, (HargeisaPress) — Cabdi Shakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) Wuxuu Noqday Maayirka Dagmada Berbera Ka Dib Markii Doorashadii Golayaasha Deegaan Dalka Ay Qabsoomeen Sanadkii 2012 , Doorashadaas Oo Buuq Badan Iyo Xalad Nabad-galyo daro xun ay sababi gaadhay .

 

Warbixin cusub oo uu soo saaray ururka Somaliland Transparency Og.  ayaa looga hadlay heerka musuqmaasuqa ee Dawladda Hoose ee Berbera la soco…….

 

Maayir Cabdi Shakuur Ciddin Wuxuu Ka Mid Ahaa Xildhibaanadii Ka Soo Baxay Xisbiga UCID Ka Dib Doorasho Muran Badan Iyo Buuq Dhalisay Oo Gaadhay Heer Beelaysan Ka Dib Markii Madaxwayne Siilanyo Iyo Koox Gollaha Wasiirada Xukuumada KULMIYE Ka Tirsan ay Damcay in ay Maayir-ku-xigeen Loo Doorto Nin Ay Isku Hayb Yihiin MADAXWAYNE SIILANYO .

 

Muran Badan Ka Bacdi Waxaa Maayirka Magaalada Muhiimka U Ah Somaliland Ee Ay Ku Taalo Dakada Caalamiga  Ah Ee BERBERA .

Bmaayir ciddin iyo waagii ucid Aqoon Darrada Maayirka Berbera Oo Fadhiid Ka Dhigtay Habsami U Socdka Shaqadii Dawlada Hooseerbera wxay ku taalaa Goob muhiim u ah aduunwayanha waa Marin Biyoodka Baabul mandab halkaas oo marin u ah badi Ganacsiga Aduunka Ee U Kala Goosha Bariga Fog Iyo Yurub

Iyo Waliba Maraakiibta Saliida  Caydhin  Ka Soo Qaada  Dalalka Khaliija Ee U Kala Goosha Dhamaan Caalamka .

 

Dhaqaalaha Somaliland Wuxuu ku tiirsan yahay Dakada Berbera iyadoo Miisaaniyada Somaliland Boqol-kiiba Toddobaan (70%) Uu Ka Soo Xaroodo Dakada Berbera , Dhamaan Somaliland Waxay Dhoofinayso Iyo waxay la soo dagaysaba dhamaantood waxay ka soo dagaan Dakadan Berbera Waxaa kale oo isticmaala Dalalka aynu jaarka Nahay Sida ETHOPIA Oo Tirada Dadkoodu Yahay Sideetan Milyan ( 80 Milyan) Oo Aan Bad lahayn .

 

Haddaba Magaalda Sidan Muhiimka ugu ah Dalka iyo Dalalka Geeska Way Dayacan tahay oo waxaad moodaa Magaalo Laga Haajiray , Dhamaan Waxaa Dayacan Adeegii Bulshada, Waxay ka mid tahay Magaalooyinka Ugu Liita Somaliland Ee Xaga Caafimaadka , Waxbarashada.

 

Tan Iyo Intii uu Maayirka Ka Noqday Magaalada Berbera Cabdi Shakuur CIDDIN Dhamaadkii Sanadkii 2012 Waxaa Meesha Ka baxay adeegyadii ay dawlada Hoose U qaban jirtay bulshada reer berbera , tan iyo intii aynu dalka ku soo noqonay dhamaan Maayiradii Soo mara magaalda berbera waa maayirkii ugu liitay.

 

Cabdi Shakuur Ciddin Shaqadiisii waxay noqotay Musuq-maasuq xad dhaaf ah oo uu ku kacay taas oo sababtay inay Shaqadii Dawlada Hoose Ay Fadhiid Noqoto.

Dhul Boobka Iyo Baloodhaynta Uu Magaalada Ka Wado Maayir Cabdi Shakuur Ciddin

Magaalada Berbera waxay ka mid ahayd Magaalooyinka ugu dhibka yar ee aanay ka dhicin Dhul-boob Dhulka Danta Guud , Dhamaan Dhulka Danta Guud Ee Qaranka waxay Gacanta Ugu Jirtay Xukuumada kamay dhici jirin Mushkilada Dhul Boobka Ee Sababa Dhimashada Iyo Dhaawaca .

 

Haddaba Intii Uu Xilka Maayirnimo Uu Hayay Wax Badan Ayaa Is Badalay Waxaa Magaaladii Berbera ka dhacay Dhul-boob , Baloodhayn Sharci Daro ah , Dhulkii Danta Guud Ahaa Oo Sifo Sharci dara ah u isticmaalay . waxaad la socotaan in dhawaan uu magaalada berbera ka dhacay Dil Sababay Dhul Dan-guud ahaa oo Sifo Sharci Daro ah Loo Binaynaayay .

 

Wuxuu Guri Wayn Oo Fooq Ah Uu Ka Dhistay Xaafada Finland la yidhaa , halka uu fooqa ka dhistay waxay ahayd Dhul Dan-guud ahayd , waxayna ka mid tahay Dhulka uu Dilku Ka Dhacay.

 

CADAALAD DARADA HAYSTA SHAQAALAHA DAWLADA HOOSE EE BERBERA

Cadaalad Daro badan ayaa ka jirta Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Berbera Ka Dib Markii Uu Sifo Sharci Daro ah Ku Eryay Shaqaale Faro Badan Isaga oo badalkoodiina keenay Shaqaale Kale oo Maayiradii isaga ka horeeyay  Shaqada ka  joojiyeen ka dib markay ku kaceen Musuqmaasuq .

 

Muddooyinkii u danbeeyay Shaqaalaha Dawlada Hoose Wax Mushahar ah lama siin, waana markii ugu horaysay ee taariikhda Dawlada Hoose Ee BERBERA Ay SHAQAALAHU BILAA MUSHAHAR Noqdaan, waxaad la socotaan In Magaalada Berbera ay Tahay Magaalo Xeeb Ah Oo Aad U KULUL Oo Aan Lahayn Inkaniyaadkii Nolosha , Way Adag Tahay Sida UU Qof ugu noolaan lahaa magaalada Bilaa DAKHLI . waagu ku biiray kulmiye Aqoon Darrada Maayirka Berbera Oo Fadhiid Ka Dhigtay Habsami U Socdka Shaqadii Dawlada HooseTaasi waxay Sababtay in shaqaalaha Bilaa Mushaharka noqday ay soo food saartay baahi nololeed oo aad u adag , HALKA Uu Maayir Ciddin uu ku jiro Guri QASRI AH Oo Leh Dhamaan Waxyaabaha Nolosha Fududeeya Sida Laydh 24 saac ah , Qaboojiyayaasha Iyo Biyo . Halka ay Shaqaalihii D.H.B Ay soo food saartay noloshan adag.

 

Maayirka Berbera wuxuu mar walba safar ku yimaada Qasriga madaxtooyada J.S.L , Taas oo Sida laga warqabo uu lacago badan uu madaxtooyada keeno si uu Kursiga ku ilaashado. Sida ay Dad ay aad iskugu Dhaw yihiin sheegeen wuxuu madal dad badan joogaan kaga faanay in

Inuu Maareeyaha Dakada  Berbera Eng.Cali Xoor-xoor ka Cidhiidsaday Dhagta Marwada Madaxwaynaha Uu Imikana yahay Qofka kaliya Ee Ay Madaxtooyadu Wax ka waydiiso arimaha Gobolka Saaxil . Waxaa kale oo uu sheegay inuu Usbuuc kasta Madaxtooyada Geeyo Lacago Badan.

 

Waxaa Is-waydiintu Tahay Waa Maxay Sababaha Uu Maayirka Berbera Waxan U Samaynaayo?

Su’aashu Ay Dadka Reer Saaxil Is Waydiinayaan Ayaa Ah Maxaa ku Kalifaaya Inuu Sidan U Baabiiyo Magaalada Berbera?

 

Hadaba Hadaynu Dib U Yara Milicsano Heer-ka Aqooneed Ee Maayir Cabdi Shakuur Ciddin

 

Xagga Aqoontiisa markaynu Eegno Wuxuu Iskuulka Kaga Tagay Dugsiga Hoose , Xagga Diinta wax aqoon ah uma laha .

Dadka Reer Berbera waxay taas ku macneeyeen inay Jaahilnmo u gaynayso arimahan aynu soo sheegnay.

 

maayir ciddin sawir waagii warshada laydhka Aqoon Darrada Maayirka Berbera Oo Fadhiid Ka Dhigtay Habsami U Socdka Shaqadii Dawlada HooseBuuq , Fawdo, Sababi Gaadhay Nabad-galyo daro ka dib markuu Xoog Ku Qabsaday Warshadii Laydhka , Wada-hadal Dheer Ka Bacdi Wuxuu Noqday Maareeyaha Warshada Laydhka Berbera. Markii Lagu Gudda Jiray Xulashadii Xildhibaanada U Tartami Doona Doorashada Golayaasha Deegamada , Wuxuu Isku Damcay Inuu Iska Soo Sharaxo Xisbiga Kulmiye Hayeeshee Waa Loo Diiday , Wuxuu Markii Danbe Iska Soo Sharaxay Xisbiga UCID Kana Mid Noqday Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Berbera .

 

Wuxuu Si Sharci daro ah ugu biiray Xisbiga KULMIYE

 

 

ISAGA Oo Jabiyay Xeerka Dalka Waajibkiisuna ahaa in Xasaanada Xildhibaanimo laga qaado oo badalkiisa uu soo galo xubinta Xisbiga UCID Ka mid ah ee Liiska kaydka ku jira , taas waxaa ka dagaalamay Xukuumada Kulmiye oo adeegsatay awoodii dawladnimo.

 

La Soco Qaybaha Danbe

 

 

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here