Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Ingiriiska oo Ka Hadlay Horumarka Somaliland

0
1673

London (Hargeisa Press)- Wasiirul-dawlaha Gaashaan-dhigga Ingiriiska, Grant Shapps, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay gobol duruufo adagi ka jiraan ka hirgelisay shaqo wanaagsan oo ay maamul ahaan dawladnimadooda ku wataan.

Wasiirul-dawlaha Gaashaan-dhiga UK, wuxuu sidaas ka sheegay mar  uu toddobaadkii hore Xeer illaaliyihii hore ee Ingiriiska, Xildhibaan Sir Michael Ellis uu baarlamaanka ka weydiiyay in Wasaaradda Gaashaan-dhigga UK ay  danaynayso inay xidhiidh la samayso Somaliland.

Sir Michael Ellis waxa ay su’aashiisa la xidhiidhay Somaliland ee uu weydiiyay Wasiirul-dawlaha Gaashaan-dhigu u dhignayd “Ma jirtaa in wasaaradda gaashaan-dhigu danaynayso inay xidhiidh la yeellato xilligan dalka aan la aqoonsan ee Somaliland? oo aan dhawaan booqday, iyadoo  Somaliland xudduud la leedahay gacanka Cadmeed. Sidaas darteed dekedda Berbera faa’iido ma u yeelan kartaa dawladda aad ka tirsan tahay?.”

Wasiir Grant Shapps, ayaa sheegay in arrinta Somaliland uu kulan kala yeellan doono xoghayaha arrimaha dibadda UK, David Cameron, waxaannu yidhi “Waxaan ogahay in xildhibaanka su’aasha i weydiiyay uu yahay saaxiib weyn oo taageera Somaliland. aniga laftaydu hore ayaan u booqday Somaliland. waxaan ogahay inay mandaqad duruufo adagi ka jiraan ay shaqo wanaagsan ka qabteen oo ay maamul ahaan doonayaan inay taabbogeliyaan dawladooda. Waxaan soo jeedinta xildhibaanka kala shiri doonaa wasiirka arrimaha dibadda UK.”

waxa su’aashaas la weydiiyay wasiirul-dawlaha xilli uu baarlamaanka dalkiisa faahfaahin ka siinayey xasaradaha ka oogan Badda Cas.

Sida uu daabacay warsidaha Express ee fadhigiisu yahay London, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore gaashaan-dhigga Gavin Williamson iyo xeer ilaaliyihii hore ee Ingiriiska, ayaa dawladooda ku cadaadinaya inay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland oo ay tilmaameen “inay ka duwan tahay Soomaaliya, isla markaana tahay dal xasiloon oo ay ka tisqaaday dimuqraadiyad oo  dhinaca xuquuqda aadamaha taariikh wanaagsan ku leh oo doonaysa inay xulafo la noqoto dalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here