Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Safar Ugu Baxay Dalka Sacuudiga

0
662

Riyadh (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa waxaa uu safar shaqo ugu baxay dalka Sucuudiga.

Wasiirka, ayaa martiqqad ka helay Shirkadda AL-RAJHI GROUP oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalka Sucuudiga, waxaana Wasiirka qaabilay Gudoomiyaha Shirkaddan Mr. Sheik Nasser bin mahdi al suldan.

Wasiirku waxa uu warbixino ka siiyay Fursadaha Maalgashi ee dalka yaala iyo Khayraadka dihin ee u baahan in la maalgashado, sidoo kale Gudoomiyaha Shirkaddan ayaa isna soo dhaweeyay balana qaaday in ay iman doonaan dalka dhawaan oo ay maalgashiyo kala duwan ku samayn doonaan dalka.

Wasiirka iyo madaxda kale, ayaa soo indho-indheeyay Mashaariicda waaweyn ee ay wado Shirkaddani kuwaasi warbixino laga siiyay Waxyaabaha ay qabtaan.

Safarka Wasiirka, ayaa waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Cabdalle Maxamuud Sh. Cabdilaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here