Somaliland oo Kaalinta 1-aad Noqotay Qiimaynta Xorriyadda Caalamka 2024 ee Wadamadda Geeska Afrika

0
600

Hargeysa,(HargeisaPress )–Somaliland ayaa kaalinta koowaad ka gashay qiimaynta caalamiga ah ee Xorriyadda 2024 ee wadamadda Geeska Afrika.

Warbixin qiimaynta Xorriyadda (Freedom House Report) ee 2024 ayaa Somaliland lagu qiimeeyay 43/100, iyadoo kaalinta 7aad ka gashay dunida Muslimka.

Sidoo kale qiimayntan ayaa Somaliland ka dhigtay inay kaalinta 1-aad ka gasho dalalka Geeska Afrika, kaalinta labaad dalalka IGAD, kaalinta 2aad wadamadda  Carabta, sidoo kalena kaalinta 7aad dunida Muslimka.

Warbixinta sannadkan 2024 ee Freedom House, Somaliland waxay  lumisay hal dhibic marka loo eego sannadkii hore (44 ilaa 43).

Sidoo kale waa muhiim in bulshadu ogaato inaanay Somaliland keliya lumin hal dhibic sannadkan, balse wadamo badan oo Qaaradda Yururb ah ayaa  sidoo kale hoos u dhac ku yimi sannadkan sida Kanada, Jarmalka, Boqortooyada Ingiriiska, Sweden, iyo Norway ayaa sidoo kale la arkay hoos u dhac hal dhibic ah 2024.

Falaagadii hubka u qaatey dawladda Somaliland sannadkii hore 2023 ayaan saamayn ku yeelan kaalinta qiimaynta caalamiga ah ee dalka.

Wargeyska Dawan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here