Wasiir arimaha gudaha Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Dilkii Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Iyo Salaadiin La Xidh Xidhay

0
1022
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dilkii loo gaystay taliyiihii ciidamada booliska gobolka saaxil oo ay shalay dabley hubaysani ku dileen tuuleedda Biyooley ee gobolka saaxil.

 

Sidoo kalena wasiirku waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan eheladii, qaraabadii , asxaabtii ciidamada booliska Somaliland, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay marxuum taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Yusuuf Maxamuud (Casayr) Waxaana uu sidoo kale sheegay inay xukuumaddu  kudaba jiraan dadkii weerarkaasi gaystay talaabona ay ka qaadi doonaan waxaan uu yidhi.

 

“Waxaan maanta ka hadlayaa dhacdadii shalay ka dhacday gobolka saaxil gaar ahaan tuulada biyooley, marka hore waxaan tacsi tiiranlo leh u dirayaa ehaladii qaaraabadii iyo ciidamada booliska ee uu ka baxay geesigii dalkiisa u halgamayay taliyihii gobolka saaxil waxaan leeyahay alle Samir iyo imaan haynaga wada siiyo, waxaana alle uga baryayaa inuu alle janooyinkiisa galiyo qabrigana u waasiciyo su’aalahana u fudueeyo”Wasiir Waran Cadde.

 

Wasiir Cali  Isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi.“Waxa marxuunka dishay gacan ka gardaran oo danbiile ah, waxaana uu u dhintay qaranka Somaliland isagoo hawshiisa gudanaya, horena way u dhacday dibna way u dhici doontaa qaar badan oo u dhinta umaddan Somaliland iyo masiirkeeda iyo nabadgaliyadeeda, waxa uu ahaa sarkaal qaran oo hawshiisa ka  adag waajibkii qarana fulinaya, danbiilayaasha danbigaa galayna waxay u taalaa qaranka Somaliland anaagan ka masuula anagaana gacan bira ku qabanyna cidii ka danbeysay iyo cidii ku taakulaysay iyo kuwa danbiga galayba waana balan inaan sharciga la horkeeno oo wajibkooda la mariyo iyaga iyo kuwa isku dayi doona inay dalka fadqalalo ka bilaabaan. Aad iyo aadbaanan uga xunahay arinkaa dhacay”Sidaa ayu yidhi Wasiir Waran Cadde.

 

Gabagabadiina waxa uu wasiir Cali Waran Cadde waxa uu ka hadlay Salaadiin iyo cuqaal ay xukuumaddu xidh xidhay waxaana uu sheegay inay iyagu damiin ka ahaayeen dadkan weerarka lagu aanaynayo ee mudooyinki u danbeeyey buuraha ku jiray waxaana uu yidh

“Salaadiinta waxa loo xidhay waxa jirtay mar ay inamadani ay danbi sameeyeen odayaashii damiintay ee balan qaaday inaanay inamadaasi wax danbe samaynayn oo ay bulshadooda kusoo noqon doonaan bay ahaayen, markaa waxay kasoo bixi waayeen balantii ay qadeen sidaasaan ku xidhay saladinta iyo cuqaasha’Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Cali Waran Cadde.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here