Somaliland: Xaalada Magaalada Berbera Oo Ah Mid Qasan iyo Xukuumadda Oo Ciidamo Badan ku sii wada

0
1172

BERBERA, (HargeisaPress) — Wararka naga soo gaadhaya Magaalda Berbera ee Gobola saaxil ayaa sheegay dilkii taliyihi ciidamada Booliska gobolka Saaxil ka dib waxa qasan xaalada magaalada Berbera,waxaana taasi ka dhalatay markii kooxo hubaysan oo ay naas nuujiyaan Maayirka degmada Berbera Cabdishakuur Cidin.

 

 iyo Maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor Xoor ay dileen taliyihii ciidamada Booliska ee gobolka Saaxil.
magaalada ayaa hadda ah mid kacsan waxaana u fadhiya shir oday dhaqameedka barriga Saaxil oo ah kuwa uu kasoo jeedo taliyaha la dilay.
Waxa dhowaanahan ka taagnaa gobolkaasi khilaafaad dhul ,kadib markii ay dadka degaanka Barriga Saaxil isku dayeen inay dhisaan dekeda magaalada Ceel Gerde,taas oo keentay inay kooxahaasi hubaysan ee ay abaabuleen Maayir Cidin iyo Cali Xoor Xoor ay weerar ku qaadaan dekedaasi.
ilaa hadda lama oga sida ay ku dambayn doonto xaalada gobolkaasi,iyada oo goor dhoweyd maydka taliyaha lasoo gaadhsiiyey dhakhtarka weyn ee magaalada Berbera .

Balse bulshada gobalka saaxil ayaa waxay sheegayaan in xiisadii ceel garde ay wali taagantahay ay na sabab u tahay dilka manta lagu qaarajiyay taliyihii qaybta booliska gobalka.

 

Wararka aanu ka helayno gobolka saaxil ama saxaafada maxaligi qorayso ayaa waxay sheegayaan in Wasiirku xigeenka amniga wasarada arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye uu faraha kula jiraa arimaha ka taagan gobalka saaxil isagoo markasta cali xoor xoor ku garab siinaya colaadaha uu ka dhex wada bulshada wada dagta gobalka saaxiil.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here