Xisbiga WADDANI oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey 1300 oo Qoys oo Ku Nool Magaalada Balli-gubadle iyo Deegaano Hoos Yimaada Gobalka Hawd + SAWIRO

0
763

Balli-gubadle, (HargeisaPress) —Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa 1300 oo qoys oo ku nool deegaanada hoos yimaada gobalka Hawd gaadhsiiyey deeq raashin ah oo isagu jirta Bariis, Daqiiq iyo Timir.

 

Waxaana weftigan uu hoggaaminaayye Siyaasi Cabdi Haybeoo ay ku wehelinaayey guddoomiye xigeenka 5aad ee xisbiga WADDANI Marwo Milgo Maxamed Cilmi, guddoomiyaha garabka haweenka ee gobalka Maroodi-jeex Marwo Hinda Xasan Idiris, Mujaahid Ooto Biixi, Xasan Dagaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ay deeqdaasi raashinka ah gaadhsiiyeen qaar ka mid ah dadka jilicda san ee ay abaarahu sida xoogga ah u saameeyeen isla mar ahaantaana ku nool tuulooyinka iyo degoomooyinka hoos yimaad gobalka Hawd oo ay ka mid ahaayeen Habaas-weyn, Inna Cunaaye, Warta Maxamed Fanax, tuulada Gumar, Balli-gubdle iyo Gumuraha.

wada 8

Dadkan oo ahaa kuwo abaarahu si xoogga u saameyeen isla mar ahaantaana baahi xoogga u qabay siddii loo soo gaadhi lahaa wixii gargaar ah e ay u keenayaan xukuumadda, ganacsatada, qurba-joogta iyo ciddii kale ee awoodaba, ayaa  si xoogga u soo dhaweeyey deeqdan raashinka ah isla mar ahaantaana si xoogga ugaga mahadceliyey xisbiga WADDANI sida qiimaha badan ee uu dad horteed u soo xasuustay siddii uu caawimo uga geysan lahaa dadka ay abaarahu saameeyeen, waxaana ay Illaahay uga baryeen in xisbiga WADDANI iyo guddoomiye Cirro-ba uu ka abaalmariyo sida oo kalena uu u fududeeyo muraadkooda, iyaga oo carabka ku dhuftay in maalinta codka ee  ay xisbiyadu u soo kala baretamayaana ay oggaan doonaan xisbiga WADDANI ee dareemay wakhtiga abaarahu hayeen ee ay gargaarka u baahnaayeen.

wada 3

“Horta aad….aad….aad….aad iyo aad, ayaanu idiin ka mahad-celinaynaa deeqdaas raashinka ah ee aad na soo gaadhsiiseen, waanu ku faraxsanahay in wakhti abaaro xoogg ahi na hayeen aad na soo xasuusateen oo aanu baahi u qabnay kaalmo Eebe iyo mid bani-Aadamba, waxa kale oo farxad ah noo ah in xisbiga WADDANI isaga oo aan durbaano sidan oo aanay u jeedo kale ka muuqan uu aad yar dadkiisa baahan ku wareejinaayo deeq raashin ah oo aanu u aragno in ay tahay wixii karaankooda ah maadaama ay Mucaarad yihiin, xisbiga WADDANI maanta marnaba lama sinna Kulmiye, Kulmiye doorashaddii aynu soo galnay codadka uu halkan ka helay lama qiyaasi karo kumanaan ayey ahayd se maalintii uu madaxtooyada galay ayuu albaabada naga xidhay, waxaas aad deegaan arkaysaana hal ceel umuu samayn iskaba daa goobo waxbarasho iyo caafimaad e, marka idinkana Alle ha idin ka abaalmariyo deeqda aad noo keenteen muraadkiinana hela, annaguna waanu idin xasuusnaan doonnaa maalinta aad codka u baahan tihiin, xisbiyaduna nooma sinnaan doonaan oo waxa aanu garabsiin doonaa xisbigaa WADDANI ee sida qiimaha badan noo soo xasuustay xilligii aanu jilicdasanayn ee abaaraha.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah odeyada iyo haweenka deegaanada hoos yimaada gobalka Hawd.

wad 08

Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland hadana ka tirsan mas’uuliyiinta ugu sarsareysa xisbiga ee WADDANI Siyaasi Cabdi Haybe iyo weftigii uu hoggaaminaayey oo si balaadhan loo soo dhaweeyey, ayaa hadal kooban oo uu shacabka ku dhaqan deegaanaddaasi u jeediyey, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay deeq raashin ah soo gaadhsiiyaan deegaanada ay abaarahu saameeyeen ee gobalka Hawd, waxaana uu carabka ku dhuftay in deeqdan oo uu u soo dhiibay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ay uga gol lee yihiin siddii ay dadkooda jilicda san ugala qeyb-qaadan lahaayeen taakuleynta abaaraha.

wad

“Farxadweyn ayey noo tahay in aanu maanta idin soo gaadhsiino deeqdan raashinka ah, waa deeq uu idiin soo dhiibay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), aniguna maadaama aan odeygiinii ahay, sahankii aan mudada dheer idiin ku maqnaa waxa uu noqday xisbiga WADDANI, isaga ayeyna aynu wax la qeybsanaynaa Kulmiyena sidaa uu albaabka innooga xidhay ayeynu innaguna codkeenna uga xidhanaynaa, WADDANI ayaana aynu isku ognahay, codkeenuna sannadkan halkaas ayaa uu marayaa, waxna la qeybsanaynaa.”.Ayuu yidhi Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here