Wasaarrada Deegaanka JSL Oo Gaadiid Kala Wareegtay Wasaaradda Qorshaynta

0
186

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda JSL ayaa maanta gaadiid iyo qalab kala wareegay wasaaradda Qorshaynta Somaliland

Sidoo kale waxay isla maanta wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland ku wareejisay wasaarradaha Xanaanadda xoolaha, iyo wasaaradda Beeraha.

Iyadoona xaflad kooban oo loo sameeyay wareejinta gaadiidkaasi, iyo qalabkaasi ay ka qabsoontay xarunta wasaaradda Deegaanka Somaliland ee magaaladda Hargaysa.


Waxaana gaadiidkani wasaarradahani ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday mashruuca Barwaaqo uu maal geliyo Baanka Adduunku.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdilaahi Ducaale, oo Qalabkaasi iyo gaadiidkaasi kala wareegay wasaaradda Qorsheynta Qaranka JSL ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada Qorshaynta gaadiidkaasi ay ku wareejiyeen.

Gaadiidka lagu wareejiyay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda ayaa ka koobnaa saddex Cagaf-cagaf, iyo qalab kale, kuwaasoo uu agaasimaha guud sheegay in ay baahi weyn u qabeen helitaanka gaadiidkani, isla markaana ay wax badan ka tari doonaan Deegaanka, iyo hawlaha shaqo ee ay ka hayaan dalka.

Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa tilmaamay in ay wasaarad ahaan Cagaf-cagafyadani si gaar ah ugu addeegsan doonaan hawlaha la dagaalanka Dhuxulaysiga, iyo xaalufinta deegaanka.

Sidoo kale waxa uu agaasimuhu u mahad celiyay masuuliyiinta, iyo shaqaalaha mashruuca Barwaaqo oo gaadiidkani la wareejinayay soo bixiyay.

DAAWO: Hadalka Agaasimaha Guud Ee W. Deegaanka iyo masuuliyiintii kale:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here