Madaxweynaha Somaliland oo Hal Arrin Ku Bogaadiyay Madaxweynaha Dalka Masar

0
1403

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Siciid Khaliil  Al-siisi oo mar kale dadweynihiisu dib u doorteen.

Dhambaalkan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo nuqul ka midi soo gaadhay Shabakada HargeisaPress, ayaa u dhignaa sidan:-

“Mudane Madaxwweyne waxa farxad weyn ii ah, Mudane,  anigoo ku hadlaya magaca shacbiga iyo ka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, in aan adiga iyo shacbi weynaha Masarba kuugu hambalyeeyo doorashada laguu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar, waxaan kuu rajaynayaa guul si aad u gaadho himiladaada iyo himilada shacabka aanu  walaalaha nahay  ee Masar, una gaadhaan horumar iyo barwaaqo dheeraad ah.

Mudane Madaxweyne, Masar waa halbawlaha ummadaha Carabta iyo Islaamka, xasiloonida Masarna waa maslaxadda lagama maarmaanka u ah xasiloonida gobolka oo dhan.

Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabnaa in Masar ay ku soo laaban doonto kaalinteeda si ay u gudato doorkeeda hormuudnimo ee Carabta, Islaamka iyo Afrika iyo dhammaan golayaasha caalamiga ah.

Mudane Madaxweyne xidhiidhka ka dhaxeeya dhexeeya Masar iyo Somaliland  waa mid soo jireen ah, waxaanan ku kalsoonahay in xidhiidhkeena uu noqon doono mid xidida-u adkeeya  oo hir-geliya  waagaga cusub ee soo ifaya, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa ku garab galo guushiisa oo ku hanuuniyo wanaag iyo xaqa Masar iyo ummadda Carabta.

Mudane, waxaan ka baryayaa in Alle SWT ku waafajiyo tallaabooyinkaaga oo uu ku caleemo saaro dadaalkaaga ku aaddan dhammaystirka geeddi-socodka horumarka, dib-u-dhiska  iyo barwaaqo si loo gaadho heer qaran.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here