Madaxweynaha JSL Oo Kormeeray Mashaariic iyo Xarumo Dawladeed+Sawirro

0
153

Hargeysa (HP): adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku soo maray goobo kala duwan oo ay xukuumaddu ka waddo mashaariic horumarineed, kuwaas oo ku yaalla gudaha caasimadda Hargeysa.


Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo madax ka tirsan xukuumadda, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanu madaxweynuhu saaka kormeerkiisa shaqo ku soo maray goobo ay ka mid yihiin Berkedo cusub oo ay wakaalladu biyuhu ka hirgelisay degmooyinka caasimadda.

Si loo fududeeyo dedaalka loogu jiro inay caasimaddu hesho biyo ku filan, madaarka Cigaal International Airport iyo mad-xafka Qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu soo indho indheeyey hannaanka ay mashaariicdaasi Qaranku u socdaan, waxyaabaha ka qabyadda ah, iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa.

Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeerkiisa ku soo maray Berked cusub oo keydka biyaha ah oo loo qoondeeyey inay keydiso biyaha ay cabbi doonaan shacabka ku dhaqan degmada A/dhagax.

Taas oo dhismaheedu gebogebo ku dhaw yahay, waxaana uu halkaas warbixin kaga dhegaystay maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood iyo qaar kamid ah saraakiisha gacanta ku haya dhismaha Berkedda Keydka Biyaha, kuwaas oo ku dheeraaday dedaalka ay ugu jiraan sidii caasimadda looga haqab-tiri lahaa Biyaha.

Sidoo kale, madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinayey, ayaa kormeerkooda kusoo maray madaarka caalamiga ah ee Cigaal, waaxaanu u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada madaarka ka socota iyo adeegyada loo qabto soo degayaasha iyo dhoofayaasha.

Isaga oo sidoo kale indho indheeyey dhismeyaal casri ah oo qaybaha kala duwan ee madaarka laga hirgeliyey, kuwaas oo uu warbixin ka siiyey maareeyaha guud ee madaarka Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid), waxaana uu salaam Sharaf ka qaatay ciidamada ilaalada madaarka oo loo hirgeliyey saldhig cusub loo dhisay.


Geesta kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeerkiisa shaqo ku soo khatimay xarunta Madxafka Qaranka ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo haatan gebogebo ku dhaw.

Waxaanu soo indho indheeyey dabaqyada kala duwan ee dhismuhu ka kooban yahay oo haatan dhammaad ku dhaw.

Isaga oo warbixin la xidhiidha shaqada dhismaha ka dhex socota ka dhegaystay agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Cali Bile.

DAAWO: Warbixinta Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here