Wasaaradda Deegaanka oo Soo Bad-baadisay Harimacadyo La Dhoofinayay

0
659

Xaaji Saalax (Hargeisa Press)- Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland ayaa maanta gobolka Daad-madheedh ku soo qabatay Sagaal Harimacad 2 gaadhi iyo 5 nin oo eedaysaneyaal ah oo xayawaankaasi dhoofinayay.

Hawl-galkaasi waxaa ka qayb qaatay masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee gobolka Daad-madheedh, oo kaashanaysay maamulka iyo ciidamadda booliska ee gobolkaasi, iyo maamulka degmadda Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh.

Waxaana maanta magaaladda Oodweyne lagu soo bandhigay Sagaalka Harimacad iyo shanta nin eedaysaneyaasha ah iyo labadda gaadhi ee ay ku dhoofinayeen Harimacadkaasi.

Iyadoona ay halkaasi goob joog ka ahaayeen agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, oo Oodweyne u tegay dhacdadaasi, iyo masuuliyiinta degmadda Xaaji Saalax, iyo taliska booliska degmadaasi.


Sagaalkan Harimacad ee la soo bad-baadiyay oo ah kuwo yar yar ama Dhalo ah, ayaa la sheegay in nimanka watay ay ka soo qabsadeen dhinaca hawdka ee dalka Ethiopia, kuwaasoo la doonayay in si sharci darro ah looga dhoofiyo dalka Somaliland.

C/naasir Xuseen Siciid, oo gobolka Daad-madheedh u tegay dhacdadaasi ayaa sheegay in xayawaanka Harimacadku uu ka mid yahay khayraad aynu leenahay, isla markaana uu sii dabar go’ayo sida xogaha lagu faafiyay.

Waxaanu tilmaamay agaasime C/naasir, in xogahaasi aya sheegayaan in Geeska Afrika oo dhan ay ku nool yihiin 7500 oo xabadood oo Harimacad ah, sidaas darteedna aanay haboonayn in la inaga qaadayo ee wax yaroo faro guudkood ah la inaga siisto wixii aynu hodanka ku ahayn.

Dhinaca kale hawl-gal ay isla maanta ka samaysay wasaaradda deegaanka Somaliland degmadda faro-weyne ee gobolka Maroodijeex ayaa lagu baabiiyay dhir aad u fara badan oo la jaray oo Dhuxul laga shidayay.

Masuuliyiina ka socday wasaaradda deegaanka Somaliland oo ay weheliyaan xubn ka mida maamulka degmada Faro-weyne, iyo taliyaha ciidanka booliska ee degmadaa ayaana hawl-galkaasi maanta ka fuliyay deegaamo hoos yimaadda degmadda Farro-weyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here