Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga Ka Sii Daysay Suxufiyiin Xidhnaa

0
694

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xabsiga ka sii daysay 12 ka mid ah 15-suxufi oo todobaadkii hore lagu xidhay magaalada Hargeysa, xiilli ay tabinayeen rabshad ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wariyayaashan, ayaa la qaqabtay iyaga oo ku sugan afaafka hore ee xabsiga magaalada Hargeysa oo ay ka socotay rabshad ay sameeyeen maxaabiista ku xidhan oo wariyaayaashu ay ka soo warramayeen.

Saddex saxafi oo xoriyadooda dib u helay 3 dii cisho ee ugu horaysay, waxaa xabsiga kusii jiray 15 kale, kuwaasi oo maanta 12 kamid ah lagu guulaystay in la sii daayo.

Wariyayaasha wali xidhan, ayaa waxa ay kala yihiin mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, wariye Cabdijabaar Maxamed Xuseen oo ka tirsan bahda HCTV iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif (Indho-Cadde), oo ka socda Gobonimo TV. Islamarkaana wariyayaasha la sii daayay ayaa sheegay in xoriyadoodu aanay dhamaystirnayn inta ay saddexdan wariye xidhanyihiin.

Sidoo kale, Wariyayaashan maanta laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay cabasho xoogan ay ka muujieen sidii loo soo qabtay.

Wariyayaashan, ayaa xabsiga loo taxaabay xili ay ka warbixinayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista Jeelka Wayn ee Hargeysa, waxaana lagu eedeeyay in ay ka been sheegeen xaqiiqada dhacdada jeelka.

Geesta kale, wasiirrada arrimaha gudaha iyo warfaafinta Somaliland, ayaa waxaa ay hore u sheegeen in aanan dambi loo yeelayn cid aan dabmi lahayn, qofkastana uu heli doono cadaalad.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay ka xun yihiin weriyayaasha xidhan hasayeeshee sharciga uu qof walba ka sarreeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here