Wasaaradda Deegaanka oo Qabatay Madasha Qaran Ee Maaraynta Garan-waaga

0
253

Hargeysa (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa magaaladda Hargaysa ku qabatay Madasha Qaran ee ka faa’iidaysiga geedka Garan-waaga.

Madashan qaran ee Garan-waaga, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka, waxaa furay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale.


Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay daneeyeyaal kala duwan oo iskugu jira khubarro ku xee dheer arrimaha Deegaanka, Beeraha, Biyaha, Xoolaha, Dhaqaalaha iyo dhinacyo badan oo kale oo arrimahaa la xidhiidha.

Xubnahaasi kala duwan ayaa si balaadhan u naaqishay dhibaatooyinka haysta Deegaanka, bulsho, iyo Dhaqaale ee geedkan Garan-waaga, iyo xalalka waarra ee lagu maarayn karo.

Si looga faa’iideysan karo Garan-waaga, isla markaana lagu xakamayn karo fiditaankiisa oo si weyn ugu fiday dhil balaadhan muddo kooban.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, oo furitaanka madashaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in geedka Garan-waagu, uu khasaare iyo faa’iido ba leeyahay.

Waxaanu tilmaamay agaasimuhu in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto Garan-waaga, si loo xakameeyo fiditaankiisa xawliga ah.

Isagoo na xusay in geedka Garan-waagu, uu ka mid yahay dhibaatooyinka haysta deegaankeena, kaasoo waxyeelo kala duwan ku haya Beerraha, Deegaanka, iyo dhirta kale ba, iyo guud ahaanba bed-qabka deegaanka.


Waxaanu yidhi “Geedka Garan-waagu, wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka haysta deegaankeena, kaasoo waxyeelo kala duwan ku haya Beerraha, Deegaanka, iyo dhirta kale ba, iyo guud ahaanba bed-qabka deegaanka.

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland, iyadoo taa ka duulaysa, waxay muddo dheer ku baraarugsanayd, ka na shaqaynaysay abuurista qorsheyaal lagu waajahayo maaraynta geedka Garan-waaga. Kuwaasoo dhinacyo badan loogaga faa’iidaysanayo geedka Garan-waaga, taasoo ay qayb ka tahay madashan aynu maanta joogno”.

Geesta kale Maxamed C/laahi Ducaale, waxa ui tilmaamay in shirkani uu daaran yahay yag-leelida madal, iyo kulamo mudaysan oo laga yeelanayno geedka maaraynta Garan-waaga.

“Sidaas darteed, shirkeenan maantu waxa uu daaran yahay yag-leelida madal, iyo kulamo mudaysan oo aynu ka yeelanayno geedka Garan-waaga.

Anagoo kaashanayna wasaarradaha, iyo haayadaha aanu wada shaqanta dhaw leenahay, waxaanu maanta idinku soo dhawaynaynaa Madasha Qaran ee Maaraynta geedka Garan-waaga Somaliland.

Madashani waxay noqon doontaa mid u taagan midaynta Muruqeena, iyo Maskaxdeena, taasoo aynu wax badan kaga qaban karno dhibaatooyinka uu geedka Garan-waagu, inagu hayo” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo ay madashani hor seedi doontaa in aynu ka dood no istaraatijiyada aynu ku waajahayno maaraynta geedka Garan-waaga.

Waxa kaloo madashaasi ay noqon doontaa mid fududaysa go’aan qaadasho wanaagsan. Waayo? Marka fikirradaha, iyo aaraa’da la is waydaarsado, xpg sax ahna la helo ayaa go’aanka saxda ah la qaadan karaa”.

Dhinaca kale agaasimaha guud waxa uu sheegay in gebagebadda shirkani lagaga dhawaaqi doono xubnaha guddiga hagi doonta barnaamijkaasi, kuwaasoo ay hogaanka u noqon doonto wasaaradda Deegaanku.

“Madashani waxay yeelan doontaa guddi farsamo. Sidaas darteed, gebagebadda shirkeenan waxaynu ku dhawaaqi doonaa xubnaha hagi doona ee guddiga ah.

Wasaaradda Deegaanku waxay noqon doontaa hogaanka hagi doona Madasha, maadaama oo waajibaadkayaga ay ka mid tahay hawshani” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Ugu danbayn, agaasimaha ayaa u mahad celiyay haayadda WHH oo gacan weyn, iyo kaalin fir-fir coon ba ka qaadatay socod siinta shirkani farsamo ahaan iyo mid dhaqaale ba.

Waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay in aan u mahad naqo saaxiibadayada haayadda WHH oo gacan weyn, iyo kaalin fir-fir coon ba ka qaadatay socod siinta shirkani, haday tahay mid farsamo, iyo mid dhaqaale ba”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here