Jaamacadda GOLIS oo Soo Dhawayn U Samaysay Weftiga Koonfur Afrika

0
643

Hargeysa (HP): Jaamacada Gollis ayaa munaasibad soo dhaweyna u sameysay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, iyo iyo weftigii ka socday dalka Koonfur Afrika ee Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ujoogay hawlaha shaqo.


Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Siciid Maxamed Axmed iyo xubno kamid ah maamulka Jaamacadda, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan.

Weftigan ka socda dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminaayo wasiir ku xigeenka wasaaradda shirkaddaha dawladda, waxaaney xuseen in loo baahan yahay in ay wax badan kala bartaan Koonfur Afrika iyo Somaliland, gaar ahaanna dhanka jaamacaddaha iyo aqoonta.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa uga mahad celiyey maamulka jaamacadda Gollis soo dhaweynta weftigan, isaga oo tilmaamay in weftigani ay yimaadeen dalkoodii labaad oo Somaliland ah.

Gaba-gabadii Obidh Baabuluuko, oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda shirkaddaha dawladda ee dalka Koonfur Afrika, ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha xidhiidhka caalamiga ah ee xisbiga talada dalka Koonfur Afrika ayaa uga mahadceliyey xukuumadda Somaliland iyo maamulka Jaamacadda Gollis soo dhaweynta ay ku qaabileen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here